Dib u dhac ku yimid furitaanka SHIRKA Dhuusamareeb 3 iyo Wararkii ugu dambeeyey

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar ka imaanaya Galmudug ayaa sheegaya inuu dib u dhac ku yimid shirka wada-tashiga Dhuusamareeb 3, kaas oo lagu waday inuu maanta oo ah 15-ka August uu si rasmi ah uga furmo magaaladaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro hal Madaxweyne Goboleed oo gaaray gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, balse waxaa la filayaa inay tegaan saacadaha soo socda.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinka dambe ee maanta ku wajahan magaaladaasi, sida lagu xaqiijiyey war kooban oo ka soo baxay Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo ah marti-geliyaha shirkaasi ayaa dhankiisa sheegay in shirka uusan baaqan, balse uu furmi doono maalmaha soo aadan.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoona ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka Dhuusamareeb.

Wejiga saddexaad ee shirka madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa ku duwan shirarkii hore, wuxuuna ku soo aadayaa, xilli ay ka sii dartay xaaladda dalka, kadib markii la riday ra’iisul wasaarihii hore, Mudane Xasan Cali Khayre.