Beesha Caalamka oo fariin u dirtay Axmed Madoobe iyo Deni, kana digtay hal arrin

Muqdisho (Caasimada Online) – Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka oo war kasoo saaray shirka Dhuusamareeb 3, ayaa ugu baaqday madaxda Puntland iyo Jubaland inay ka qeyb-galaan, waxayna ka digtay inaan la aqbali doonin nooc kasta oo doorasho oo kasta oo aanay heshiis ku wada ahayn saamileyda siyaasadda Soomaaliya, oo shirka lagu go’aamiyo.

Qoraal kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa marka hore lagu sheegay inay soo dhoweynayaan in hoggaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ay magaalada Dhuusamareeb soo gaareen 15kii bishan Agoosto, si ay u billaabaan kulankooda xiga, sida qorsheysnayd.

“Waxay sidoo soo dhoweynayaan billowga hawsha guddiga farsamo ee wadajirka ah ee loo xilsaaray diyaarinta xulashooyinka hanaan doorasho oo la isugu tanaasulay oo la isku afgarto si madaxu uga baarandegaan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Beesha caalamka ayaa sidoo kale ugu baaqday madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ee aan weli kulanka ku soo biirin inay si toos ah ula xiriiraan dhiggooda hadda jooga magaalada Dhuusamareeb si loo xalliyo wixii arrimo ah oo taagan si ay dhammaantood uga wada qaybqaataan.

“Saaxiibadu waxay ku nuuxnuuxsanayaan inay muhim tahay in dhammaan madaxdu ay ka qaybqaataan shirmadaxeedkan si loo sii wado geeddi-socodka dhisidda isafgarad wadar-ogol ah, loona soo saaro heshiis ballaaran oo laga gaaro hanaanka doorashooyinka federaalka 2020/21 oo qanciya dhammaan saamilleyda Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Waxay dhammaan madaxda xusuusinayaan muhiimadda ay leedahay ilaalinta horumarka laga gaaray dowlad-dhisidda Soomaaliya iyo ka soo bixidda ballammadii horey loo galay.”

Si kastaba Beesha Caalamka ayaa ka digtay in la isku dayo in la meel-mariyo nooc doorasho oo aan raali laga wada ahayn.

“Iyadoo tan la eegayo, saaxiibadu waxay mar kale adkeynayaan in isku day kasta oo uu ku kaco mid keliya ama qaar yar oo ka mid ah saamilleyda oo si qasab ah loogu mariyo qaabab doorasho uusan yeelan doonin sharciyad isla markaana aan laga hirgelin karin iyadoo aan taageerada lagama maarmaanka ah laga helin dhammaan saamilleyda kale,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Saaxiibadu waxay si dhow ula socdaan waxyaabaha ka soo kordha kulanka magaalada Dhuusamareeb, waxayna dabagal ku sameynayaan tallaabooyinka lagu heshiiyo waxayna diyaar la yihiin inay bixiyaan hadba taageerada ay ka codsadaan dhammaan ka qaybgalayaasha si loo fududeeyo hirgelinta.”

Qoraalka ayaa waxaa si wadajir ah usoo saaray: Belgium, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Denmark, Djibouti, Dowladda Mareykanka, Faransiiska, Finland, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Holland, Ireland, Itoobiya, Japan, Jarmalka, Kenya, Midowga Yurub, Norway, Spain, Sweden, Talyaaniga, Turkey, Ugaandha, Urur-Goboleedka (IGAD), iyo Qaramada Midoobay.