SOMALILAND oo si kulul uga hadashay qoraalkii ay DF ugu hanjabtay TAIWAN

Hargeysa (Caasimadda Online)-  Bayaan kasoo baxay Maamulka Somaliland ayaa looga hadlay waraaq Shalay kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Soomaaliya taasoo looga soo horjeestay xiriirka ay sameysteen Taiwan iyo Somaliland.

Wasaaradda Arrimaha Debadda ee Somaliand ayaa bayaanka kasoo baxay uga digtay Dowladda Soomaaliya hanjabaadaha ay ku hyeso dowladaha xiriirka la sameystay maamulkas.

War-Saxaafadeedka ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in Soomaaliland ay xorriyadeeda dib ula soo laabatay 1991-dii,, kadib xirriyadii 1960-kii, isla markaana aysan aqbaleyn in faragelin lagu sameeyo howlaheeda,waxaana ay ugu baaqeen Dowladda Federaalka inay joojiso dhibaato ay sheegeen inay ku hayaan Soomaaliland.

Bayaanka kasoo baxay Somaliland ayaa kusoo aadayo xilli War-saxaafadeed Shalay kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya oo ku qornaa luuqada Ingiriiska si weyn loogu cambaareeyay dhaq-dhaqaaqa Taiwan ee Somaliland, kaasi oo xad-gudub ku ah madax-banaanida Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa meel adag iska taagtay heshiiska Taiwan iyo Somaliland ee horseeday inay xafiiskaasi ka furato, iyada oo ula dhaqmeysa sida ‘dal madax-banaan’, xili uu caalamku u aqoonsan yahay inay qeyb ka tahay Soomaaliya.

“Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay cambaareynaysa isku deyga Taiwan ay ugu xadgudbeyso qaranimada Soomaaliya, iyo sharafteeda dhuleed,” ayaa lagu yiri.

“Dowladda federaalka Soomaaliya waxay diideysaa dhaq-dhaqaaqyadan qaldan ee lagu raadinayo in is afagaran waa iyo kala qeybsanaan looga dhex abuuro shacabkeena.”

“Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya waxay u taagan tahay sidii ay u ilaalin lahayd Qaranimadeeda, Midnimadaa dadkeeda iyo sharafteeda dhuleed.”

Halkaan hoose ka akhriso jawaabta kasoo baxday Somaliland