Beesha caalamka oo farriin cusub kasoo saartay shirka teendhada Afisyoone

Muqdisho (Caasimada Online) – Saaxiibada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa ka codsaday hoggaamiyaasha Soomaalida inay heshiis gaaraan, xilli maanta mar kale uu baaqday shirkii Afisyoone ee arrimaha doorashada, kaasi oo sidoo kale shalay aan dhicin.

“Iyadoo ay Soomaalidu u diyaar garoobayaan soo dhaweynta Bisha Barakeysan ee Ramadaan, Beesha Caalamigu waxay muujinayaan rajo ah in mabaadi’da aasaasiga ah ee milicsiga, dulqaadka, Iscafinta iyo dib-u-heshiisiintu ay u horseedi doonaan guul shir madaxeed oo ay yeeshaan hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka,” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka.

Qoraalka beesha caalamka ayaa sidoo kale ku baaqay in la oggolaado hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka ee 17 September.

“Saaxiibada Caalamku waxay ku boorrinayaan in wada hadalakan ay hormuudka ka tahay Soomaalida isla markaana ay Soomaali leedahay uu horseed u noqon doonto xallinta dhammaan arrimaha taagan iyo in la oggolaado hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka ee 17 Sebtember. Heshiiska noocan oo kale ah, oo astaan u ah midnimada, u damqashada iyo daryeelika dadka kale, wuxuu muujinayaa hoggaan iyo danayn ummadda Soomaaliyeed isla markaana waxuu u noqon doonaa hadiyad bisha Ramadaan u gaar ah dadka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Beesha caalamka ayaa madaxda Soomaalida ku boorisay inay fursaddan u adeegsadaan inay ku xalliyaan khilaafaadkooda oo ay sameeyaan waxyaabaha lagama maarmaanka u ah si loo hubiyo in doorashadu noqoto mid lagu kalsoonaan karo, waqtigeeda, iyo si nabad ah ku qabsoomi karta  iyadoo aan dib-u-dhac dambe ku imaan si loogu oggolaado Soomaaliya inay horay u socoto.

Shirka madada dowladda federaalka iyo madax goboleedyada ee Afisyoone ayaa mar kale maanta la hakad geliyey, ayada oo la sheegay inuu dib u furmi doono maalinta Arbacada ee berri. Dib u dhigista dib u billaabashada shirka ayaa loo sababeeyey maqnaanshaha madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Qoor Qoor ayaa shalay dib ugu laabtay magaalad Dhuusomareeb kadib 45 cisho uu joogay Muqdisho iyo Istanbul. Dastuurka Galmudug ayaa dhigaya in madaxweynaha maamulka uusan 45 cisho oo xiriir ah ka badan ka maqnaan karin deegaanada gobolka.

Shirka oo looga hadlayey ajandaha shirka doorashada ayaa Axaddii muddo hal maalin ah hakad la galiyey, kadib markii maalinkii labaad ee uu dhacay uu soo dhammaaday ayada oo aan wax heshiis ah laga gaarin dhammaan qodobada la isku hayo ee ku aadan ajendaha shirka, waxaana qorshuhu ahaa in dib loo billaabo maanta.

Qoraalka beeshaa caalamka ayaa waxaa si wadajir ah usoo saaray: Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Shiinaha, Denmark, Jabuuti, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Ruushka, Qadar, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay.