Taliska NISA ee gobolka Banaadir oo shaaciyey xog culus oo uu helay dhowaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Hey’adda Nabad-Sugidda Soomaaliya ee NISA qeybtiisa Gobalka Banaadir ayaa shaaciyey inuu helay xog ah in maalmihii lasoo dhaafay ay dhinteen seddax sarkaal oo labo ka mid ah ay Al-Shabaab u qaabilsaneed sameynta qaraxyada Miinooyinka ah ee kooxdu ka fuliso gobollada Banaadir iyo Shabeellada Hoose.

Qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Maxamuud Goobe Raage Jiisoow iyo Muuse Kooble oo Al-Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada Miinooyinka ah ee kooxdu ay ka fuliso gobollada Banaadir iyo Shabeellada Hoose ay ku dhinteen gaari kula qarxay deegaanka Basra.

Raggaan waxaa la sheegay in qaraxyadaas ay gaari uga soo qaadeen deegaanka Tooratoorow ee gobolka Shabeellada Hoose, balse uu ku qarxay markii ay marsiinayeen deegaanka Basra ee isla Shabeellada Hoose.

Sida lagu soo bandhigay xogtaan qaraxaas waxa uu dhacay 28-kii bishii hore ee Maarso, waxaana labada sarkaal la geeriyooday lix dagaalame oo ilaalo u ahaa.

NISA waxay sheegtay in labada sarkaal ee qaraxaas ay wadeen ku dhintay ay door firfircoon ugu jireen kooxda, maadaama ay aad ugu xeel-dheeraayeen sameynta qaraxyada, gaar ahaan kuwa miinooyinka.

Sidoo kale NISA waxaa laga soo xigtay in qaraxyadaas loo soo waday gobolka Banaadir oo mudooyinkii dambe ay ku soo bateen qaraxyada miinooyinka ah.

Dhanka kale seddax maalmood ka hor, 3-dii bishan Abriil, waxaa dagaalkii ka dhacay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellada Hoose lagu dilay sarkaal kale oo magaciisa lagu soo koobay Daariq, sida lagu sheegay qoraalkan oo laga soo xigtay Taliska NISA qeybtiisa gobolka Banaadir.