DF oo la kulantay safiirka Shiinaha kadib go’aankiisii muranka doorashooyinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha Wasiirka Gargaarka Soomaaliya, Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulantay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Mr Qin Jian, kadib mowqifkii Shiinaha ee xiisada doorashooyinka dalka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Kulankaan ayaa u daarna mahad-celin ku aadan mowqifkii ay dowladda Shiinaha dhawaan ka qaadatay xiisada doorashada, midaasi oo ay si weyn ula dhaceen madaxda sarre ee waqtigooda dhamaaday.

Wasiir Khadiijo ayaa Safiirka Shiinaha la wadaagtay bogaadinta madaxda sarre, ayada oo uga mahad-celisay ‘dhowrista madax-banaanida dhuleed iyo mida Siyaasadeed ee Soomaaliya oo ay dhawaan Safaaradda shaacisay’.

Kulankaan ayaa sidoo kale waxa lagu soo hadal qaaday kaalinta Shiinaha ee howlaha gar-gaarka bani-aadanimo, waxayna wasiiraddu ka dalbatay Safiirka kordhinta taageerada ay siiyaan dowladda federaalka Soomaaliya.

Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa dhamaadka bishii hore ee March barteeda twitter-ka ku baahisay qoraal ay ku sheegtay inay dhowrayso madax-banaanida Soomaaliya, islamarkaana ay taageerayso horumarka iyo nabada halka lug ku taagan ee dalka.

“Dowladda Shiinuhu wuxuu ixtiraamayaa madax-banaanida iyo karaamada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, haddey noqoto mid dhuleed iyo siyaasadeed, waxaana si adag u taageereyna nabada, horumarka iyo barwaaqada Soomaaliya, anaga oo ku taagan mabda’a ah Soomaaliya Soomaali baa leh,” ayaa lagu yiri qoraalka Shiinaha.

Qoraalka kasoo baxay Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa xiligaas waxa si weyn warbaahinteeda ugu baahisay dowladda federaalka, midaasi oo banaanka keentay la dhacsanaanta mowqifka Shiinaha ee uu ka qaatay xiisada ka taagan dalka.

Arrintaan ayaa imaneysa xili ay beesha caalamka isku dayeyso in xal kama dambeys ah laga gaaro doorashada, taasi oo Farmaajo u diidan yahay, waxaana la rumeysan yahay inuu u arko in beesha caalamka ay xal dhex dhigi karto madaxda is-khilaafsan, waana mida uu u diidan yahay faro-gelintooda.