Afgambi cusub oo ka dhan madaxweyne Erdogan miyaa laga qorsheeyey Turkey?

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Isniintii ku eedeeyey tobaneeyo taliyeyaal hore oo ciidamada badda ah inay isku dayeen “afgambi siyaasadeed” ayaga oo weeraraya qorshaha uu ku dhisayo marin-biyood isku xira Badda Madow iyo Maditareeniyaanka.

Booliiska ayaa xiray 10 taliye oo ciidamada badda ah, kuna amray afar kale inay isa soo dhiibaan kadib markii ay daabaceen warqad furan oo ay ku dhalleeceeyen dhismaha Canal Istanbul.

Taariikhda Turkey ee kadib Cusmaaniyiinta ayaa waxaa la degay afgambiyo ay sameeyeen militariga oo isku arka inay yihiin kuwa uga dambeeya ee damaanad qaada nidaamka cilmaaniyadda ee dalkaas Muslimka ah.

Madaxweyne Erdogan ayaa waxaa ka carreysiiyey warqadda ay dhammaadkii toddbaadka daabaceen 104 admiral oo horey uga tirsanaa ciidamada badda, kuwaas oo ku booriyey inuu u hoggaansamo Xeerka Montreux Convention ee 1936-kii.

Xeerkan ayaa diidaya in aag militari laga dhigo badda Balck Sea, wuxuuna dejinayaa sharciyo adag oo maamula maraakiibka ku safreysa marinada Bosphorus iyo Dardanelles.

Hase yeeshee qorshaha Erdogan uu ku dhisayo marin cusub oo 45-km ah oo maraakiibta ay maraan, kuna yaala galbeedka Bosphorus ayaa furaya su’aal ku saabsan haddii Xeerka Montreux Convention lagu daabaqi doono kanaalka cusub.

Taliyayaasha warqadda qore ayaa sheegay in xeerka 1936-kii “uu sida ugu wanaagsan u ilaalinayo danaha Turkey.”

Erdogan ayaa Isniintii sheegay in “waajibka admiraalada howlgabka ah – oo 104 ka mid ah ay isku yimaadeen – aysan aheyn inay daabacaan qaraar tusmeynaya afgambi siyaasadeed”.

“Dal taariikhdiisa ay ka buuxdo afgambiyo, isku day afgambi oo kale oo ay sameynayaan admiraallo howlgab noqday marnaba lama aqbali karo,” ayuu yiri Erdogan kadib kulan uu la yeeshay kaaliyayaashiisa sare.

Dacwad-oogaha sare ee Ankara ayaa taliyayaasha hore ku eedeeyey “adeegsiga awood iyo rabshado si ay meesha uga saaraan kala dambeynta dastuuriga ah.”

Eedeyntan ayaa horey loogu adeegsaday saraakiisha la xiray kadib isku-daygii afgambi ee dhicisoobay bishii July ee 2016.

Marin-biyoodka Canal Istanbul ayaa loo arkaa inuu halis ku yahay Russia, sababtoo ah wuxuu gaashaan buurta NATO, oo ay Turkey ka tirsan tahay siinayaa marin ay ku gaaraan Badda Madow ee Russia.

AFP + VOA