Faroole oo shaaciyey sabab Qoor Qoor, Lafta-gareen iyo Cali Guudlaawe aysan uga hor-iman karin Farmaajo

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynahii hore maamulka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole kana mid ah mudanayaasha aqalka sare ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan dalka iyo shirarka looga hadlayo arrimaha doorashada ee ka socda magaalada Muqdisho.

Faroole ayaa sheegay inuu rajo ka qabo shirka Afisyoone, wuxuuna taageero weyn u muujiyay Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Madoobe oo mowqif adag ka taagan arrimaha taagan, wuxuuna sheegay iney sharci ku taagan yahiin.

Faroole wuxuu maamullada taageersan madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku tilmaamay kuwa ku tiirsan Muqdisho, ciidan iyo dhaqale intaba.

“Shan maamul goboleed ayaa sharci ah, saddex maamul waa niman dhulkooda intiisa badan la heysto, magaalooyinka ku hareereysanna waardiye laga haayo, dakhlina aan heli karin” ayuu yiri Faroole.

“Cudur daar baan u hayaa, balse waxaan cudurdaar uga heyn iney gudoonshaan oo cid ku raacaan federaal diid, waxey ku sifeysan yahiin maahmahdii Cismaan Keynadiid ee aheyd: “Nin mushaari eexeynaya waa maskiin dhab ahe, mudeec waxa ka dhigay inuu maarmi waa yahaye,” ayuu yiri Faroole.

Hadalka Faroole ayaa u dhigmaya maamullada dowladda taageersan aysan ka maarmin dowlada oo ay mar walba hoos joogan, taasna ay ku qasbeyso ineysan ka hor imaan, balse labada maamul kale ay yahiin dad isku tashaday.

Sidoo kale wuxuu sheegay in cidda kaliya ee sharciyad heysata ay tahay maamul goboleedyada, inta kalana ay ku joogaan qaraar ay doorasho ku galaan.