Muqdisho (Caasimadda Online) – Safiirada Mareykanka iyo wakiilada dalalka Yurub ee ka hadlay Shirka Caalamiga ah ee Iskaashiga Soomaaliya ayaa dowladda Somalia ugu baaqay inay xal u hesho khilaafka ka dhashay maamulka Jubbaland iyo Doorashadii la isku khilaafay.
Safiirka Mareykanka ee Somalia Donald Yamamoto ayaa khudbad uu ka jeediyey, wuxuuna ku soo qaaday in Maraykanka diyaar la yahay taageerada dowladda Soomaaliya, balse loo baahan yahay midnimo siyaasadeed iyo wadashaqeyn dhex martay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka,
Wakiilka Xoghayaha gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador James Swan oo khudbad ka jeediyay maanta Shirka Caalamiga ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya ayaa ku baaqay in wadahadal lagu dhameeyo khilaafka ka dhexeeya Dowlada Federalka iyo Maamul Goboleedka Jubbaland.
James Swan ayaa ka sheegay shirka caalamiga in ay muhiim tahay in xal loo helo Siyaasadda loo dhanyahay,isla markaana loo diyaar garoobo wadahadalo ay yeeshaan Dowladda iyo dhinacyada kale.
“Waxaa loo baahan yahay in la dhameeyo khilaafka ka dhexeeya dowlada federalka iyo maamulka Jubbaland,lagana gudbo su’aalaha ka dhashay awood qeybsiga.”ayuu yiri Danjire Swan.
Sidoo kale Wakiiladii ka socday dalalka UK, France iyo Germnay ayaa soo bogaadiyey qaaday horumarka ay dowlada federaalka arrimo dhowr ah, laakiin waxay ugu baaqeen in la helo iskaashi dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dhex mara, iyadoo si toos ah u soo qaaday khilaafka ka dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland.
Go’aanka Beesha Caalamka iyo baaqa kasoo baxay ee ku aadan inay Dowladda la heshiiso Maamul Goboleedyada ayaa dhabar jab xoog leh ku noqon doono Dowladda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo aan diyaar u aheyn inay la heshiiso Maamul Goboleedyada.
Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaanan ka qeyb-galeyn Shirka Caalamiga ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee ka socda Magalada muqdisho, iyada oo uu weli jiro khilaafka kala dhaxeeya Dowladda Federaalka.
Waxaana kulankii goob joog ka ahaa qaar ka mid ah madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda Fedraalka sida Madaxweynaha Koofur Galbeed, Madaxweynaha Horshabeelle, Madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]