XAAF oo arrin aysan fileyn dowladda ka sheegay shirka Madasha Iskaashiga Somalia

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo khudbad ka jeedinayey Shirka Caalamiga ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya ayaa halkaas ka sheegay hadal dhibaato ku ah Dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Xaaf oo ka hadlay Siyaasad loo dhan yahay oo qeyb ka aheyd qodobada Shirka ayaa sheegay inuu shirkaan yahay mid aan loo dhameyn.

Wuxuu sheegay in Shirka ay ka maqan yihiin qaar ka tirsan madaxda Maamul Goboleedyada uuna rajeenayo inay yimaadaan madaxda ka maqan.

Wuxuu sheegay inay lagama maarman tahay in dib loo midowbo, khilaafkaadka jirana lagu xaliyo wada hadal.

Isagoo kasii hadlayey arrintaan ayuu sheegay inuu rajeenayo inay heshiiyaan Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada isla markaasna shirarka soo socdo xataa lagu soo daro Maamulka Somaliland oo horey u sheegay inuu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale.

Xaaf ayaa shirka ka sheegay hadal yar oo kooban wuxuuna yiri ” Siyaasadda waa inaan u jiheyno kuwa naga maqan” oo uu ula jeeday in la raadiyo Maamul Goboleedyada shirka ka maqan.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Xaaf ayaa u mahadceliyey Ra’isulwasaare Kheyre oo shirka ka sheegay in Xaaf la’aantiis aan hormar laga gaari karin dhismaha Maamulka Galmudug uuna qeyb ka yahay dhicitaanka doorasho xor iyo Xalaal ah sida uu hadalka u dhigay Ra’isulwasaaraha.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedetaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug inuu Khudbad xasaasi ah ka jeediyo Shirka Iskaashiga Soomaaliya,isagoona tilmaamay in howlaha dhamaystirka Galmudug uu hogaamin doono Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com