Mareykanka oo si rasmi ah dib ugu furay safaaraddiisii magaalada Muqdisho + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa maanta ku dhowaaqday inay si rasmi dib ugu furtay safaaraddeedii magaalada Muqdisho.

Mareykanka wax safaarad ah kuma lahayn Soomaaliya tan iyo 5-tii January 1991-kii, hase yeeshee waxa uu xiriir lahaa Soomaaliya, wuxuuna bishii December ee 2018 dib usoo celiyey howl-galkii diblomaasiyeed ee Muqdisho.

“Dib u furidda safaaradda Muqdisho waa tallaabo kale oo horey loogu qaaday dib u billaabidda xiriirka joogtada ah ee Mareykanka iyo Soomaaliya, waana astaan xoojineysa xiriirka labada dal iyo sare u qaadidda xasilloonida, horumarka, iyo nabadda Soomaaliya iyo gobolka.” Ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay howl-galka Mareykanka ee Soomaaliya.

Isaga oo goobjoog ka ah is-beddelka dhacay, ayaa safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto, waxa uu yiri “Maanta waxaan dib xaqiijineynaa xiriirka dadka Mareykanka iyo dadka Soomaaliyeed iyo kan labadeena dal. Waa maalin weyn oo taariikhi ah, oo ka tarjumaya horumarka ay Soomaaliya sameysay sanadihii dhowaa.”

“Waa tallaabo kale oo horey loogu qaaday joogteynta xiriirka diblomaasiyadeed ee Mareykanka uu la leeyahay Muqdisho tan iyo markii uu aqoonsaday dowladda federaalka ah sanaddii 2013. Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxa ay ka shaqeyn doontaa sare u qaadidda wada-shaqeynta, horumarinta danaha qaranka Mareykanka iyo taageerada hadafyadeenna ammaanka guud, siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarka.” Ayuu yiri Yamamoto.

Yamamoto ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay saaxiib xooggan usii ahaan doonto Soomaaliya, si loo dhiso dal xasiloon, la isku haleyn karo oo dimoqraadi ah.

Go’aanka Mareykanka ayaa ka tarjumaya dadaalkii diblomaasiyadeed ee sanaddii 2013 uu sameeyey madaxweyne Xasan Sheekh, kaasi oo horseeday in Mareykanka si rasmi ah u aqoonsado dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com