Wakiilka Jabuuti u jooga Somaliland oo lagu baaqay in lagu eryo 24-saac gudahood

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, ayaa eedeymo culus u jeediyay dowladda Jabuuti, isla markaana ku tilmaamay dowladda Jabuuti dal cadow ku ah horumarka Somaliland.

Maxamuud Cali Saleeban “Ramaax”, Xoghayaha arrimaha gudaha ee xisbiga Ucid ayaa maanta si adag u weeraray dowladda Jabuuti, isagoona soo jeediyay in muddo dhan 24-saacadood gudahood looga saaro gudaha Somaliland Wakiilka dowladda Jabuuti u fadhiya caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Ramaax ayaa sidoo kale waxa uu dowladda Jabuuti ku sifeeyay mid la wareegtay ilihii dhaqaalaha, oo Somaliland ku ah cadowga koowaad ee ay wax ka qabsan laadahay.

Xoghayaha arrimaha gudaha ee xisbiga Ucid, oo maanta warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu yiri “Waad ogtihiin xuduudku xageena wuu ka furan yahay oo way soo gali karaan, iyaga hal gaadhi oo aynu leenahay ma gali karo, habarta khudradda ku beertay halka 40Km u jirta magaalada Jabuuti kuma galin karto magaceeda iyada oo xuduuda Somaliland ka galinaysa”.

“Dalka caynkaa inoola dhaqmaya, waxaanu leenahay xukuumada waajibaadkii ka saarnaa ilaalinta dadkeeda iyo dhaqaalaheeda may u saamixin, kalamanay hadlin, waxa ku haboon in cirka, dhulka iyo badda ka xidhno xabadda Kalluun ah ee Jabuuti laga cuno badda Somaliland ayaa laga qaadaa”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waxa uu la wareegay hadana isaga oo sifayaal ganacsi oo kale usoo maraya, maanta dekedii Berberi inay xidhanto ayay ku dhawdahay, boqolkiiba shan iyo afartan Koonteenaradu waxay soo maraan Jabuuti, isagoo u maray hab kale oo diblomaasiyadeed iyo qaybin uu qaybinayo dadka reer Somaliland. Waxaan u aragnaa cadawgayaga koowaad, haday xaga dhaqaalaha tahay, taa gudoomiyuhu ka hadlayna runtii waan ayidayaa”.

Hadalkan maanta ka soo yeeray Xoghayaha arrimaha gudaha ee xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, ayaa waxa uu ku soo beegmaya xili uu maanta Wakiilka dowlada Jabuuti u fadhiya Somaliland uu si adag ugu hanjabay Guddoomiyaha xisbiga Ucid, kaasi oo uu xukuumada Biixi ugu baaqay in uu talaabo ka qaado.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com