Beesha caalamka oo laba qodob oo culus hordhigtay Axmed Madobe + Jawaabta

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xarunta madaxtooyada ku qaabilay wafdi kasocday beesha caalamka oo uu hogaaminayay wakiilka QM ee Soomaaliya James Swan.

Waxaa kale oo wafdiga kamid ahaa xubno ka socday IGAD, safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya, taliyaha guud ee Amisom iyo xubno kale.

Kulankan waxaa lagaga wada hadlayay hanaanka ay u socoto doorashada Jubbaland iyo sidii ay u noqon laheyd doorasho xor iyo xalaal ah, lagana fogaado waxkasta oo keenaya fawdo iyo amni darro.

Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa madaxweyne Axmed Madoobe hor-dhigay laba qodob oo beesha caalamka ay dooneyso in la fuliyo kuwaas oo kale.

1 – In fursad iyo waqti dheeri ah la siiyo musharaxiinta mucaaradka si ay isu diiwaan geliyaan ugana qeybgalaan doorashada.

2 – Iyo in wax ka badal lagu sameeyo shuruuda lagu xirey musharaxiinta u tartameysa xilka madaxweynenimo ee Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa xubnahan ka socday Beesha Caalamka u sheegay inuusan asagu sharciyad u laheyn wax ka badalka jadwalka doorashada, islamarkaana taas ay tahay shaqada gudiga xuduudaha iyo doorashooyinka.

Ugu danbayntii waxaa la isku raacay in gudiga Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland laga sugo jawaabta kama danbaysa ah ee la xiriirta hanaanka Doorashooyinka Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com