Beesha caalamka oo soo faro-gelisay wax ka beddalka dastuurka + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan u dhexeeyay guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wakiilada beesha caalamka ayaa maanta ka qabsoomay magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlay arrimo xasaasi ah.

Xubnaha beesha caalamka oo la shiray Axmed Madoobe ayaa waxaa hoggaaminayay Ku-xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM Soomaaliya Raisedon Zenenga, ayada oo labada dhinac ay isla soo hadal qaadeen xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha dastuurka.

Inta uu socday shirka ayaa waxaa diiradda lagu saaray wax-ka bedelka dib u eegista Dastuurka KMG ah oo haatan uu ku howlan yahay baarlamaanka Soomaaliya, xilli ay diidan yihiin xubnaha mucaaradka oo saluug ka muujinayo qaabka ay wax u socdaan/

Wakiilada beesha caalamka ayaa si i weyn usoo dhoweeyay hanaanka dib u eegista dastuurka iyo in dalka uu yeesho dastuur rasmi ah oo sugaya afti dadweyne.

Sidoo kale waxa Baarlamaanka Soomaaliyeed ku taageereen dadaalka xoogan ee ay ugu jiraan in dalka uu yeesho sharci hagaya dalka, dadka iyo dowladda.

Waxaa dhinaca kale kulanka lagu soo hadla qaaday xaalada guud ee dalka, gaar ahaan xoojinta ammaanka iyo la-dagaallanka Kooxda Al-Shabaab

Doodda dastuurka ayaa haatan mareysa meel xasasaasi ah, waxayna xildhibaannadu hadda ka doodayaan cutubka 4-aad ee dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

Si kastaba, waxaa doodaha socda si weyn uga soo horjeeda Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka oo ay hoggaaminayaan madaxweynayaashii hore Shiriif iyo Farmaajo.