Dagaal beeleed lagu hoobtay oo ka dhacay gobolka Mudug

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faahfaahino kala duwan ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed lagu hoobtay oo maanta ka dhacay bariga gobolka Mudug, kaas oo u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed oo wada daga halkaasi.

Dagaalka oo ka dhacay deegaano hoostaga magaalada Afbarwaaqo ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay laba qof oo xoolo dhaqato ahaa ku dileen halkaasi.

Dilka labada qof ayaa salka ku hayay aano qabiil oo ka taagan deegaanada dhaca bariga gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug.

Intaas kadib waxaa dagaal toos ah uu ka qarxay goobta, kaas oo u dhexeeyay labada dhinac, waxaana uu qaatay saddex saacadood oo xiriir ah, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkan ku dhintay ugu yaraan 10 qof oo labada dhinac ah, halka ay ku dhawaacmeen tiro kale oo intaas ka badan.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo gobolka kamid ah, gaar ahaan aagga lagu dagaalamay.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta maamulka Galmudug oo ku aadan dagaalkaasi sababay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca.

Xiisadda haatan soo cusboonaatay ayaa kusoo aadeyso, ayada oo sanadkii hore ee 2023-kii beelaha dagaalamaya lagala dhex dhigay heshiis, balse haatan u muuqda mid burburay.

Gobollada Dhexe ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabtay dagaal beeleedyada, kuwaas oo saameyn ugu badan ku yeesha dadka shacabka ah ee ku dhaqan Galgaduud iyo Mudug.