FARMAAJO oo sameeyay arrin uu horey ugu dhaliili jiray mucaaradka + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmihii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa tegay xerada Xalane, oo ay degan yihiin wakiiladda caalamka u fadhiya Soomaaliya.

Farmaajo ayaa booqday xarunta safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo ku taalla gudaha Xalane, halkaasi oo kula kulmay Sii-hayaha safiirka Mareykanka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mr. Farmaajo ayaa Mareykanka kala hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan xiisadda dastuurka iyo doodda mucaaradka uu ka qabo qorshaha ay dowladda Xasan Sheekh rabto in ay ku meel-mariso wax ka beddelka ay dooneyso.

Xogaha kasoo baxaya kulanka madaxweynihii hore iyo sii-hayaha safiirka Mareykanka ayaa sidoo kale sheegaya in Farmaajo uu si dadban Mareykanka uga dacwooday sida ay dowladda Xasan Sheekh u wado wax ka beddelka dastuurka, oo ay ku jiraan qodobbo masiiri ah oo saameynaya haykalka dowladnimada Soomaaliya.

Qodobbada ay diidan yihiin mucaaradka ee qeybta ka ah wax ka beddelka dastuurka ayaa waxaa kamid ah in dalka ay ku tartamaan doorashada soo socota laba xisbi oo keliya iyo in laga guuro hanaanka ra’iisul wasaaraha, loona guuro nidaamka madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen.

Farmaajo oo dhawaan dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in socdaalkiisa u daaran yahay arrinta sida weyn isugu hayaan xubnaha mucaaradka iyo madaxweyne Xasan Sheekh, ee wax ka beddelka iyo dhameystirka dastuurka, oo haatan doodiisa ka socoto baarlamaanka.

Sidoo kale waxa uu markaasi sheegay in uu ka shaqeynayo xal u helista xiisadda taagan ee dastuurka, sidoo kalena uu ujeedka dadaallada xal u raadinta xiisadda dastuurka ay tahay “in la gaarsiiyo wada ogol iyo ilaalinta wada-jirka Soomaaliya.”

Si kastaba, Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la xasuusta in intii lagu jiray muddo xileedkiisi uu si weyn u iib-geyn jiray wax la yiraahdo “Waddaniyadda” isagoo ku dhaliili jiray siyaasiyiinta mucaaradka inay u dacwo tagaan diblumaasiyiinta shisheeye.