Qoraal kasoo baxay xubnaha beesha calaamka oo ay hogaamineyso Qaramada Midoobey ayaa waxaa lagu sheegey in si toos ah isha ugu hayaan shaqada guddiga khilafaadka doorashada taasoo ah iney talaabada ku haboon ka qaadaan cabashooyinkii ka imaanaya isdaba marinta, musuqmaasuqa iyo in xoog lagu muquuniyey qaar ka tirsan kuraasta xubnihii u tartamayey aqalka hoose ee Barlamanka Somalia.
Warkaan kasoo baxay xubnaha beesha caalamka ayaa guddiga khilafaadka doorashooyinka Somalia looga dalbadey iney cadeeyaan sababta 24 kursi oo dacwadu ka tagneyd ay ugu soo koobeen 11 kursi iyadoo sidoo kale la waydiisatey iney soo bandhigaan dariiqa ay u mareen kala saarida kuraastaan.
Dhinaca kale qoraalkaan ayaa beesha caalamka kaga dalbatey madaxda madasha Qaranka In muhiimada ugu sareysa siiyaan culeyska ay leeyihiin cabashooyinkaan kuwasoo shaki galinaya sharciyada madaxda dowlada cusub ee la dooran doono iyadoo khilaafyadaan taagan yihiin sidoo kale waxay ka digeen in dhaawac ku imaan karot xiriirka u dhexeeya madaxda madasha iyo wadamada sida tooska u khuseyso arimaha Somalia.
“Madaxda madasha Qaranka waa in sida ugu degdeg badan go’aan uga garaan kuraasta la isku haysto taasoo laga rabo iney ku qancaan shacabka Somaliyeed iyo beesha caalamka” sidaas waxaa sheegey is wakiilka Xoghayaha Qarmada midoobey Michael Keating.
Ugu dambeyntii qoraalkaan ayaa lagu soo gabagabeeyey in isku day walba oo lagu qarinayo musuqmaasuqa lagu sameeyey doorashada kuraasta muranku ka taagan yahay ay fursad siineyso kooxaha argagixisada ah iyo kuwa diidan in dalka Somalia ka dhacdo doorasho lagu kalsoonaan karo natiijada kasoo baxda.
Waxaa jira warar sheegaya in Hoggaamiyaasha Madasha Qaran ay waxba kama jiraan ka soo qaadeen 11 kursi oo Guddiga Khilaafaadku sheegeen in dib loogu noqonaayo oo aan lo marin waddo sharci ah, taas oo wel-wel gelisey beesha caalamka, waxaana Beesha Caalamku ku goodisey in ay arrintan u gudbinayaan fadhi deg-deg ah oo Qaramada Midoobey Soomaaliya ka yeelanayo.

