26.9 C
Mogadishu
Saturday, October 25, 2025

Beesha caalamka oo war cad kasoo saartay guusha madaxweyne Farmaajo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal kasoo baxay Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Itoobia, Talyaaniga, Sweden, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Dowladda Maraykanka ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay Madaxweynaha cusub ee Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in dhammaan Beesha Caalamka ay soo dhaweyneyso Guusha Madaxweynaha cusub ee Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee sida xoriyada leh lagu doortay.

Nuqul kamid ah Qoraalka wadajirka ah ee kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa lagu yiri ”Saaxiibada beesha caalamku waxay sidoo kale jecelyihiin inay mahad iyo qadarin u diraan Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee xilka banaynaya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladdiisa iyagoo uga mahadnaqaya guulihii badnaa ee ay gaareen afartii sano ee la soo dhaafay waxayna ‘Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud’ uga mahadcelinayaan khudbadiisa qiimaha lahayd ee tanaasulka, taas oo fududeysay in si nabadgelyo ah oo kaladambayn leh xilka la iskugu wareejiyo”

Waxaa sidoo kale lagu yiri ”Madaxweynaha cusub ee Somalia Farmaajo wuxuu wajahayaa dhowr caqabadood oo waaweyn si uu u xaqiijiyo yidiilada dadka Soomaaliyeed. Dadku waxay ka rajaynayaan dowladda federaalka inay wax ka qabato dhibaatada abaaraha ee sii xumaanaysa ee dalka ka jirta iyo inay ka hortagto macluul kale ‘oo dalka ka dhacda’ ”.

Dhinaca kale, qoraalka waxaa lagu sheegay in inay ku hanweyntahay inay kala shaqayso Madaxweynaha cusub, Dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka ee ka dhisan dalka iyo dadka Soomaaliyeed sidii ay wax uga qaban lahaayeen caqabadaha dalka ka jira.

–DHAMMAAD–

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News