Maxaa ka jira in Farmaajo uu diiday in amnigiisa ay la wareegaan Amisom?

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegay in Madaxweynaha Somalia Mohamed Abdullahi Farmaajo uu ka hor yimid in amnigiisa ay la wareegan Ciidamada AMISOMee dalka Soomaaliya jooga, ee inta badan ilaaliya madaxda Soomaalida.

Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha uu arrintaasi ka hor imaaday inta uu ku sugnaa Hoolka Jazeera ee xalay la dejiyey, kuna sugan yahay illaa hadda, kadib markii ay kusoo yaacen Ciidamada AMISOM.

Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo, ayaa diiday in ciidamada AMISOM ay ka xigsadaan kuwa Soomaalida ah, waxa uuna taa bedelkeeda sheegay inaanu dalka ka galin wax danbi ah.

Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo, ayaa diiday Ciidamadaasi waxa uuna kuwaa bedelkooda dalbaday ciidamada Somalia oo isku dhaf ah, isagoo ku qeyliyay in dalka uusan ka galin danbi, isla markaana uusan garankarin sababta ay u ilaalinayaan ciidamada AMISOM.

Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo, ayaa iminka wata keliya ilaaladiisii hore oo lagu biiriyay tirro kale oo Soomaali ah, waxa uuna ballanqaaday inaanu jiri doonin ciidamo kala ilaalin doona isaga iyo shacabka.

Madaxweynayaasha soomaray dalka ayaa waxaa inta badan amnigooda gacanta ku hayay Ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaa oo ka gaabiyay howlaha ay u joogan Somalia.

Kumanaan kun oo isugu jira Shacab iyo Ciidamo ayaa waddooyinka magaalada Muqdisho ku dhigaaya isku soo bax lagu taageerayo Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com