Xasan Sheekh ma isagaa dhulka is dhigay mise waa la dhigay? (Xanta xildhibaanada)

Noloshu waa meerto maalmeed iyo milayo isku milan, haddana, kalana miiran. Waa facyaalo iyo fir kala falliirma, isuna fool iyo farsamo eg. Waa waayo waayeel u soo joogay dhallaanna u sii jeedo. Waa ayaamo ubadku aayeeysanayo, tawlkuna hore u soo arkay aynigooda.

Qof Kasta wuu dareemi karaa ujeedka hadalkaas maadaama XALAY ay aheyd habeen cusub oo usoo hoyatay Umadda Soomaaliyeed markii la doortay madaxweynihii ay ku taahayeen muddo sannado ah Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Haddaba su’aasha la is waydiinayo ayaa ah siday ayey ugu suurtagashay inuu ka adkaado madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo la ogyahay dadaalka iyo cududda uu ku bixiyey sidii uu u heli lahaa codadka ugu badan ee 21kii musharax ee kama dambeysta isi soo taagay.

Xasan wuxuu ahaa madaxweynihii ugu awooda badnaa marka loo fiiriyo xagga ololaha iyo adkeynta codadka xildhibaannada. Wuxuu ahaa ninkii ugu badnaa ee ku dadaalay inuu xildhibaanno isaga u codeeya ama taabacsan kasoo saaro qaar badan oo ka mid ah maamul Goboleedyada dalka Soomaaliya.

Ma jiro qof saadaalinayey in Xasan Shiikh Maxamuud la kulmi doono DHARBAAXADAAN dabeysha aheyd ee xalay (8dii Febraayo 2017ka) kaga timaaday Xildhibaannada ay dhallinta dhiigga cusub ku badan yihiin ee dalka Soomaaliya.

Haddaba markii aan maanta soo xuuraamiyey waxyaabihii keenay inuu Xasan Shiikh Maxamuud waayo codadka xildhiibannada, markii aan la sheekeystay qaar ka mid ah xildhibannaadii isbedelka u hiiliyey, waxaa iisoo baxday oo aan xaqiiq usoo ogaaday sababtii ugu weyneyd ee keentay inuu Xasan waayo Codadkii Xildhibaannadii uu ku tashanaayey.

LACAG YAR OO UU SIIYEY XILDHIBAANO HAMI WEYN KA LAHAA

Xasan Shiikh Maxamuud maalintii Talaadada aheyd subixii hore wuxuu xildhibaano badan isugu keenay Hoteelka SYL ee ku Madaxtooyada Soomaaliya, halkaas ayuuna ku siiyey Quraac, Qado iyo Casho – dabcan kulankooda looma kala kicin saacado badan oo xiriir ah. Wuxuuna u sheegay inuu siin doono lacag badan si ay codadkooda u siiyaan, isagoo ku amray in aysan halkaas ka dhaqaaqin weyna ka aqbaleen.

Markii la gaaray xilli dambe oo habeenkii ah, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa bilaabay inuu qeybiyo lacagihii laga sugaayey isagoo xildhibaan kasta siiyey lacag gaaraysa illaa 50 KUN OO DOLLAR XILDHIBAAN KASTA, taasi waxay niyadjab ku noqotay xildhibaannadii saacadaha badan qarashka faraha badan ka rajeynaayey madaxweynihii la doortay 2012kii. Qaarkood waxay si xan ah iigu sheegeen inay xisaabta ku darsadeen inuu ugu yaraan 300 KUN OO DOLLARS usoo taagi doono Maxamuud.

Guuto xildhibaanno ah oo isku xiran kuwaasoo wadar ahaan gaaraya 10 xildhibaan ayaan ku kulanay mid ka mid ah hoteellada Mogadishu, ayaa waxay ii tilmaameen inuu Xassan isugu daray waqti lumis iyo lacag yari… Yeelkeede waxay intaas iigu dareen in aysan filaneyn in maalinta ugu dambeysa uu Xassan usoo taagi doono WANEEY CAATO AH. Waana midda keentay inay intooda badan isku waafaqaan in DOONTA lala rogo.

Marka la kala saaro taageeronimada iyo danta lacageed ee xildhibaannada, tusaale wanaagsan waxaan usoo qaadan karnaa kooxdaan xildhibaannada ah ee isku xiran kuwaasoo ii sheegay inay xaqiiqo ahaan boqolkiiba 90 taageere u ahaayeen Farmaajo, balse iyagoo eeganaya dantooda ayey Xassan Shiikh u bandhigeen inuu codadkooda lacag sarre uga iibsado.

Waxaana la beenin karin inay jiraan xildhibaanno farabadan oo Xassan Shiikh ka qaatay qoondadii lacageed ka dibna codka kala gooyey.

Sida dhabta ah ee la xaqiijiyey Mudane Xasan Shiikh Maxamuud wuxuu lacag siiyey Xildhibaano gaarayo illaa 180 Xildhibaan oo uu rabay inay codka ugu shubaan, sida natiijada doorashadu xaqiijisayna ku dhowaad boqolkiiba 50 xildhibaannadaasi codadkooda ma aysan siinin Xassan.

XILDHIBAANO HORE OO MUSHAARKOODA WAAYEY 9 BILOOD

Sida la ogyahay Xildhibaanada Dowladda Soomaaliya waxay deyn ahaan  ugu leeyihiin Dowladda Soomaaliya mushaar gaarayo illaa 9 Bilood, sidaas darteed waxaa qalqal dareemay xildhibaanadii horey  uga tirsanaa Baarlamaankii la bedelay, kuwaas oo ogaaday in aysan mushaarkooda heli doonin haddi uu Xassan soo laabto isla markaana go’aansaday inay mushaarkooda si dadban uga qaataan Xasan Shiikh Maxamuud.

Qaab kale haddii laguu fahamsiiyo sheekada, haddii uu dowladdu bixin weysay mushaarkii xildhibaannada oo la fahamsan yahay inuu ku baxay ololaha, markaas xildhibaannadu si dadban ayey ugala soo bexeen jeebka Xassan, waana dibirta ugu weyn ee ku dhacday 61 sanno jirkaan ku dhashay Jalalaqsi.

Farmaajo markii uu jeedinaayey khudbaddiisii musharraxnimo ee uu ka horjeediyey Baarlamaanka, wuxuu daaha ka qaaday in mushaarka ciidamada iyo shaqaalaha dowladdu uusan aheyn hadiyad ay bixiyaan madaxda sarre ee dowladdu. Halkaas waxaa laga dhedhensan karay inuu diyaar u yahay inuu si joogto ah u bixiyo qoondada shaqaalaha dowladda oo dhan kasoo billoow askari illaa xildhibaan.

Marka aad xuuraansato Xarunta Golaha Shacabka, waxaad ka dareemeysaa ifafaale aan midkaas ka duwaneyn, sababtoo ah xildhibaannada waxaa dhexmeereysaneysa kalsooni badan oo ku saabsan inay si joogto ah u heli doonaan mushaarkooda. Kuna darso Farmaajo wuxuu u ballan qaaday intii lagu jiray Khudbaddiisii Musharraxnimo inay qaab joogto ah u shaqeyn doonaan.

Labadaas arrin oo is Iskaashaday ayaa la ii xaqiijiyey inay aheyd sababtii ugu weyneyd ee Xasan tustay waaga cusub ee u baryey.

Iskaashiga dhexmaray labadaan qodob ee aan sarre kusoo xusnay uguna muhiimsanaa warbixinteenna ayaa la aaminsan yahay inay tustay XASSAN inuu isagu dhulka isdhigay.

MAQAALKAAN WAXAA QORAY: Cabaas Cali Xasan

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com