Sawirro: Ciidamada gaarka u tababaran ee gaashaan oo la wareegay ammaanka Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay ku guuleystay doorashadii taariikhiga aheyd ayaa waxaa amaankiisa la wareegay ciidamada Gaashaan ee sida gaarka ah u tababaran.

Farmaajo oo la dejiyay hotelkii afar sano ka hor la dejiyay Xasan Sheekh ayaa waxaa amaankiisa la wareegay ciidamada Soomaalida ee Gaashaan, waxaana kuwa AMISOM uu ka doorbiday wiilshada tababaran ee Gaashaan.

Balanqaadyadii uu sameeyay intaan la dooran ka hor ayaa ka mid ahaa in uusan raaci doonin gaadiidka qafilan ee AMISOM iyo ineysan daba socon doonin ciidamo shisheeye.

Dhanka kale, waxaa weli magaalada Muqdisho ka socday dabaal degyada lagu soo dhoweynayo Madaxweynaha cusub, iyadoo aysan u kala harin shacab iyo ciidamo.