24.7 C
Mogadishu
Saturday, July 5, 2025

Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo kulankii ugu horeeyay la qaatay safiirada beesha caalamka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Somalia Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa goordhow qaabilay Safiirka QM u fadhiya Somalia Michael Keating iyo Safiiro dhowr ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Safiirada kala hadlay arrimaha Somalia, waxa ayna dhankooda uga hambalyeeyen Guusha uu ka gaaray Doorashada Somalia.

Safiirka QM u fadhiya Somalia Michael Keating iyo Safiirada kale ayaa Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inuu ka faa’iideysto fursada iyo kalsoonida ay ku qabaan shacbiga Soomaaliyeed.

Safiiradu waxa ay Farmaajo ka dalbadeen inuu la imaado isbedel muuqda sida Amniga, Cadaalada, Horumarka IWM.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale Safiirada ka dalbaday in marka hore gargaar loo fidiye shacbigiisa ku dhiban Gobolada dalka oo ay ka jiraan abaaraha, waxa uuna Madaxweynuhu ku nuux-nuuxsaday in shacabkii uu maamuli lahaa ay ku dhibaateysan yihiin Gobolada.

Safiirada ayaa Madaxweyne Farmaajo u ballanqaaday in jawaab degdeg ah ay ka bixin doonaan Abaaraha ka jira Gobolada dalka, waxa ayna sidoo kale u ballanqaaden inay kala shaqeyn doonaan dhinac waliba.

Qeybo kamid ah dalka ayaa waxaa weli ka socda dabaaldega iyo damaashaadka loo dhigayo Madaxweyne Farmaajo oo ay hortaalo shaqooyin adag.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News