Beesha caalamka oo war kasoo saartay kulankii R/W ROOBLE iyo Mucaaradka kuna baaqday arrin kale

Muqdisho (Caasimadda Online) – Beesha caalamka ayaa soo dhaweysay wada hadallada socda ee ay yeelanayaan Dowladda Soomaaliya iyo Midowga musharaxiinta madaxweynaha kaas oo markii labaad shalay la isku arkay.

“Saxiibada Soomaaliya, waxay soo dhoweynayaan sii socoshada wadahadalada 1dii Maarso ee u dhaxeeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Musharaxiinta Madaxweynaha. Kadib shirkii guusha kusoo dhammaaday ee 25kii Febraayo, saaxiibadu waxay ka codsanayaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Murashaxiinta Madaxweynaha inay ku tallaabsadaan horumar hor leh,” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka.

Inkastoo aysan soo hadal qaadin baaqii xalay kasoo baxay Villa Soomaaliya ee qeexayay in shir la isugu yimaado Khamiista oo ay taariikhda ku beegan tahay 4-ta Maarso, hadana waxey ku baaqeen in si dhaqso leh shir la isugu yimaado isla markaana aysan dib u dhac ku imaan ka hadalka arrimaha doorashada.

“Waxaan sidoo kale ku boorineynaa madaxda DFS iyo DGXF inay qabtaan shir-madexeedkii la qorsheeyay maalmaha soo socda si loo xaqiijiyo qorsheyaasha fulinta ee heshiiskii 17kii Sebtember, loona soo gabagabeeyo dib u eegista soo-jeedintii Guddiga Farsamada ee 16kii Febraayo si geedi-socodka doorashada uu u bilaawdo iyadoo aanay jirin dib u dhac dambe,” ayey yiraahdeen xubnaha beesha caalamka.

Dowladda Federaalka iyo Midowga musharaxiinta waxey fadhiyadooda labada ah ku gaareen go’aamo muhiim ah, sida in wadajir loo qabto dibadbax nabadeed oo dhaca sabtida 6-da Maarso, sidoo kalana la xulay guddi labada dhinac ah oo ka shaqeeya arrinkaas.

Inkastoo Khamiista ay wajiga saddexaad u balansanaayeen labada dhinac hadana qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu iclaamiyay shir hal maalin ah oo maalintaas qabsoomaya ayna yeelanayaan dowladda Federaalka, Dowladaha xubnaha ka ah iyo maamulka gobolka Banaadir.

Beesha caalamka kama hadlin qoraalka kasoo baxay aqalka Madaxtooyada, mana jirto cid soo hadal qaaday oo ka hadashay, iyadoo taas badalkeeda ay beesha caalamka bogaadisay wixii kasoo baxay wajiga labaad ee shirkii Hotel Decale.