Beesha caalamka oo war kasoo saartay shirka dib u heshiisiinta GALMUDUG

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa looga hadlay Xaalada Galmudug iyo Shirka dib u heshiisiinta Galmudug ee ka socda Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.

Beesha Caalamka  ayaa soo dhaweysay dadaalada dib u hesiisiinta ah ee ka socda Galmudug,isla markaana bogaadisay furitaanka Shirka dib u heshiisiinta ee ka socda Magaalada Duusamareeb,kuwaasi oo looga tashanayo aayaha Galmudug.

Sidoo kale Shirkaas ayay ku tilmaamtay in Muhiima u leeyahay dhismaha galmudug Cusub oo loo dhan yahay iyo inay dhacdo Doorasho xor iyo xalaal ah oo nabad ay ku jiro.

“Waxaan soo dhoweyneynaa ballanqaadka ay muujiyeen dhammaan dhinacyada ay khuseyso geeddi-socodka dib-u-heshiisiin loo dhan yahay oo aan bogaadinno dadaallada ra’iisul Wasaaraha iyo sidoo kale dowlad-goboleedka Galmudug iyo hoggaamiyeyaasha bulshada si ay u isugu keenaan dhammaan bulshooyinka ” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Beesha Caalamka.

Beesha Caalamka ayaa rajo ka muujisay wada hadalada Galmudug in ay noqdaan kuwa midho dhalo, iyo in Shirku uu asaas u yahay dowlad mideysan oo xasilloon oo ka jirta Galmudug.

Dowladda Soomaaliya ayaa waqti badan ku bixisay Galmudug, waxaana muddo 3 bil ah ku sugnaa deegaanadaas Ra’isulwasaaraha Soomaaliya.

Dowladda Federaalka ayaa ku dadaaleyso inay Galmudug geysato shakhsi iyada ka amar qaato si ay danaheeda ugu gaarto Doorashada madaxweynimo ee Soomaaliya.

Dowladda ayaa horey gacanta ugu dhigtay Maamul Goboleedyada Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, waxayna ku fashilmatay Puntland iyo Jubbalanad inkastoo aan la ogeyn natiijada ay kala kulmi doonto Doorashada soo socoto ee Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com