Beesha caalamka oo war kasoo saartay siyaasadda Somalia iyo tallaabada uu qaaday M/Weyne Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Saaxiibada caalamka ee Soomaaliya ayaa soo dhoweeyey hindisaha uu 14-kii bishan soo jeediyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo uu kulan kula yeelanayo madaxda dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Qoraal kasoo baxay beesha caalamka ayaa lagu ammaanay qorshahan, oo ay ku sheegeen mid lagu xoojinayo wada-shaqeynta laguna abuurayo heshiis.

“Waxaan ugu baaqeynaa hogaamiyayaasha Soomaaliya inay uga faa’iideystaan fursaddan inay isku raacaan hab horey loogu dhaqaajin karo ahmiyadaha qaranka ee taagan, oo ay ku jiraan doorashooyinka, ayaga oo uga faa’iideysanaya shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Waxaan sidoo kale soo dhoweeneynaa dadaalladii kale ee ay sameeyeen wakiilo kala matalayey dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada kuwaas oo gacan ka gaystay inay saldhig u noqdaan wada-hadallada.”

Beesha caalamka ayaa ku baaqday in si deg deg ah loo abaabulo, ayada oo aan dib u dhigsi lagu sameyn, kulamo fool-ka-fool ah iyo kuwa ku dhaca qaab online ah.

“Waxaan soo dhoweeneynaa dadaallada socda ee ku wajahan wada-hadalka, dib u heshiisiinta, iyo tanaasulka ay sameynayaan hogaamiyayaasha. Waxaan sidoo kale soo dhoweeneynaa raadinta xal loo helo khilaafyada siyaasaddeed ayada oo ay ka maran yihiin rabshado, oo ay ku jirto arrinta Jubaland,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Beesha caalamka ayaa sheegtay inay sugeyso horumar deg deg ah oo laga sameeyo arrimaha muhiimka u ah Soomaaliya, ayada oo loo marayo wada-shaqeynta dib uga dhex billaabaneysa hogaamiyayaasheeda.

“Waxaan u taagannahay oo diyaar u nahay inaay taageerno dadaallada sare loogu qaadayo siyaasad loo dhan yahay iyo ilaalinta midnimada dalka.”

Qoraalkan ayaa waxaa si wada jir ah usoo saaray:

*Belgium, Canada, China, Denmark, Egypt, European Union, Finland, France, Germany, Intergovernmental Authority on Development, Italy, Ireland, Kenya, Netherlands, Norway, Spain, Sweden, Switzerland, Uganda, United Kingdom, United States, United Nations.