SOMALILAND oo shaacisay qodobada ay ku haysato DF

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa maanta war kale kasoo saartay wada-hadalada ka socda dalka Jabuuti, xili la rumeysan yahay in lagu kala kacay qodobadii ugu muhiimsanaa ee shirkaasi.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, Yaasiin Faratoon oo wareysi siiyay idaacada VOA-da ee laanteeda Afka Soomaaliga ayaa si cad usoo bandhigay dhowr qodob oo lagu heshiiyay wada-hadaladii hore, balse aan weli fulin.

Wasiirka ayaa sheegay in hore loogu heshiiyay in gebi ahaanba la joojiyey hadalka xanafta leh ee warbaahinta isku mariyaan madaxda labada dhinac, iyada oo xiligan arrimahaasi ay mararka qaar sarre usii kiciyaan xiisada labada dhinac.

Qodobada Somaliland ay ku doodeyso inaysan weli fulin dowladda federaalku ayaa ku qotoma kuwo la xiriira deeqaha caalamka in si madax-banaan loo siiyo Somaliland, oo aan loo soo marin dowladda federaalka oo iyadu sii gaarsiisa deeqaha beesha caalamka maamul goboleedyada dalka.

Faratoon ayaa sidoo kale si cad u sheegay in dowladda federaalka ay hore ugala heshiiyeen in si wada-jir ah loo maamulo hawada Soomaaliya, isla markaana si isku mid ah loo qeybsado lacagaha kasoo baxa, midaasi oo aysan weli fulin dowladda Farmaajo, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Wasiirka ayaa gebi ahaanba ka gaabsaday inuu wax faah-faahina ka bixiyo waxyaabaha laga yeelayo qodobadaasi uu sheegay inay ka fuli waayeen dowladda federaalka, balse uu xaqiijiyay in labada dhinac ay weli isku hor-fadhiyaan kulamo.

Somaliland ayaa ku doodeysa in fulin la’aanta qodobadaasi ee hore loogu heshiiyay ay sii fogeynayaan is aaminada labada dhinac, taasi oo meesha ka saareysa kalsoonida lagu qabi karo wada-hadalo midho dhala.

Wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland ee shalay ka furmay dalka Jabuuti ayaa weli socda, iyada oo wajigii labaad ee kulankaasi uu maanta ka furmay dalkaasi, waxaana la filayaa in war-murtiyeed rasmi ah laga soo saaro kulamadaasi.