Farmaajo oo kusoo laabtay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyey shirka Jabuuti

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay gabal dhacii galabta, kaddib markii uu dalka Jabuuti uga qayb galay shirka laba maalin qaatay oo ay ku wadahadlayeen dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ee wadahadalkaas ku metelayey dowladda federaalka waxaa qeyb ka ahaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo haatan ku haray dalka Jabuuti.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa kor-joogteyn doona wadahadallada ay sii amba qaadayaan guddiyada ka kala socda labada dhinac ee Soomaaliya iyo Somaliland ee shalay la magacaabay.

Shirka guddiyada farsamada ee labada dhinac ee dowladda federaalka iyo Somaliland ku kala matalaya wadahadallada ayaa maanta ka furmay dalka Jabuuti.

Guddiyadan ayey shalay labada dhinac ee Soomaaliya iyo Somaliland ku heshiiyeen in la sameeyo, si ay u sii amba qaadaan wadahadallada, waxaana loo asteeyey in xaruntoodu ahaato dalka Jabuuti.

Furitaanka shirka maanta waxaa joogay seddaxda madaxweyne ee Jabuuti, Soomaaliya iyo Somaliland, intaas kadib ayaa la sheegay inay shir wada galeen guddiyada farsamada, iyadoo wadahadallada u fududaynayo wasiirka arrimaha dibedda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf.