Somaliland oo si jees-jees ah uga jawaabtay hadalkii madaxweynaha Puntland

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa ka jawaabtay hadalkii madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, kaas oo ahaa in ka Puntland ahaan aysan aqoonsan doonin waxii kasoo baxa shirka dowladda federaalka iyo Somaliland uga socda dalka Jabuuti.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan oo u waramay TV-ga Horn Cable ayaa sheegay in hadalka madaxweyne Deni uusan khuseyn Somaliland, isla markaana uu muujinayo is bar-bar yaaca ka jira Soomaaliya.

“Anagu Soomaaliya halbaan u naqaanaa, cida aan la xariirnana waa dowladda uu fadhigeedu yahay Muqdisho, hadalkaasna waxa uu muujinayaa kala daadsanaanta dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri wasiir Liibaan.

Asaga oo sii hadlayey ayuu sheegay in hadalka madaxweynaha Puntland uu ku jeeday dowladda federaalka Soomaaliya, balse aysan jirin wax ka dhaxeeya Somaliland iyo Puntland.

Wasiirka ayaa sheegay in wadahadallada ka dhacay dalka Jabuuti ay Somaliland u ahaayeen fursad dahabi ah, isla markaana ay suurta galeen shuruudihii ay wadatay Somaliland ee ahaa in laba dal loo wadahadlo iyo madal furan oo beesha caalamku goobjoog ka tahay lagu wadahadlo.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo khudbad ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 46-aad ee baarlamanka ayaa sheegay in Puntland aysan aqoonsan doonin natiija kasta oo ka soo baxda wada-hadalka dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland uga socda waddanka Jabuuti, maadaama sida uu sheegay aan door laga siin Puntland.