Suurta-galnimada iyo shirka JABUUTI uu horseedo inay S/LAND ogolaato midnimo

Hargeysa (Caasimada Online) – Shirkii gogol xaadhka wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland ee shalay ka furmay dalka Jabuuti, ayaa waji cusub u yeelay midnimada laga dhex raadinayo wada-hadaladaasi.

Kulanka shalay ayaa u muuqday mid quus sii galiyay midnimada Soomaaliya, maadama ay Somaliland goobtaasi si adag uga cadeysay mowqifkeeda gooni goosaadka ee mudada badan aqoonsiga u weyday.

Madaxweynaha Somaliland ayaa shalay soo bandhigay inaysan marnaba aqbaleyn midnimo dib u dhalata, midaasi oo meesha ka saaraysa dadaaladii Ra’iisal wasaaraha Itoobiya iyo Safiirka Mareykanka Soomaaliya, oo iyagu waday qorshe dib loogu soo celinayo midnimadii luntay.

Waxaana xusid mudan in Ra’iisal wasaare Abiy Axmed uu saaka ka amba-baxay dalka Jabuuti, xili uu fashilmay qorshihii midnimada ee uu dabada ka riixayey, isagoo garab ka helaya Mareykanka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Madaxda Somaliland ayaa marnaba ku dhiiran karin ka tanaasulka mowqifka gooni isu-taaga, taasi oo sii fogeynaysa ujeedka ay beesha caalamku ka leedahay wada-hadaladaasi.

Somaliland ayaa shirkii shalay beesha caalamka ugu soo bandhigtay qadiyadeeda, midaasi oo u muuqatay gool siyaasadeeda ay ka dhalisay dowladda federaalka oo iyadu u hanqal taageysay midnimo la isku af-garto.

Dowladda federaalka ayaa iyadu laftigeeda u muuqatay mid aan qorshe cad la hortagin shirkaasi oo aan ka aheyn ‘midnimo’ ay adag tahay inay xiligan ka dhex dhalato Soomaaliya iyo Somaliland oo kusii kala fogaaday xiisadaha siyaasadeed ee ka dhex aloosan.

Wada-hadalada shalay ka furmay Jabuuti ayaa waji cusub u yeelay wada-hadalada labada dhinaca, iyada oo la rumeysan yahay inaysan wax buuran oo taariikhi ah uusan ka soo baxeyn shirkaasi, walow uu weli socdo, sida uu xaqiijiyey wasiirka arrimaha dibedda ee Somaliland.