Danjire Ciise Dhere oo saaka ku geeriyooday Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa saaka Muqdisho ku geeriyooday Amb. Ciise Cali Maxamed oo ku magac dheeraa (Ciise Dheere), kaas  oo ahaa diblumaasi ka tirsanaa wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Soomaaliya.

Marxuumka oo maalmihii dambe ku xanuunsanaa gudaha caasimadda ayaa saaka geeriyooday, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelladiisa.

Ma shaacin ehelladu nooca xanuunka ee uu u geeriyooday maxruum Amb. Ciise Cali Maxamed oo la soo shaqeeyey dowladdii milatariga ee burburtay.

Sidoo kale waxaa geeridiisa ka tacsiyeeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa horey xilal uga soo qabtay dalka, iyaga oo Alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannadiisa Firdowso.

AUN  Amb. Ciise Dheere ayaa ahaa diblumaas xeel dheer arrimaha carabta, isaga oo dowladdii kacaanka noqday safiirkii Soomaaliya u fadhiyey dalka Ciraaq.