Xildhibaan Jeesow oo weerar culus ku qaaday Donald Yamamoto iyo James Swan

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa weerar afka ah si toos ah ugu qaaday safiirka dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto iyo ergayga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan, isagoo ku eedeeyay inay faragalin ku hayaan Soomaaliya.

Daahir Amiin Jeesow wuxuu shacabka ugu baaqay in la gubo sawirada labada masuul, isagoo sheegay in labadaas shaqsi ay culeys badan ku hayaan xukuumadda hadda jirta.

“Dowlad fajiistayaal ah ee raba inay dalkeena burburiyaan, inay nagu caayaan diinteena iyo jismigeena sooma dhaweyneyno, shacabkeennana horay ayey uga dhiidhiyeen, waxeyna arintaas calaamadeeda ka muuqataa James Swan, Donald Yamamoto iyo kuwa la midka ah” ayuu yiri Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

“Waxaan siineynaa digniintii ugu dambeysay, baarlamaanka dhexdiisana waa laga arki doonaa, shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan sawirrada labadaas nin laamiyada halagu gubo” ayuu mar kale yiri Daahir Amiin Jeesow.

Isaga oo sii hadlayey ayuu yiri, “Swan iyo Yamamoto waxay noo muujiyeen cadaawadda ay noo qabaan, Farmaajo iyo Kheyre laba nin oo ka adag ma filaayo inay dalkaan xukumi doonaan, waana kuwii uu inta u caga-jugleeyay warqadii aad ogeyd kasoo saaray.”

Ugu dambeyntii Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow wuxuu labada masuul ku eedeeyay inay ku xad gudbeen dimoqoraadiyadii ay ayagu sheeganayeen, wuxuuna sharaf xumo ku tilmaamay sida ay u dhaqmayaan.