Beesha CEYR oo si kulal uga hadashay dagaalka ay wadaan Liyu Boolis fariina u dirtay Cabdi ILEY

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur oo ah Ugaaska Beesha Ceyr oo la hadlay Radio Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dhanka xuduuda Ethiopia ay sababeen dhimasho iyo dhaawac badan.

Ugaas Xasan Ugaas, ayaa sheegay in ciidamada Liyuu boolis dhibaatooyin badan ay ka geysteen dhanka xuduuda ay wadaagaan Ethiopia iyo Galgaduud ayna ugu badan dilal dad rayid ah loogu geystay deegaanka dhanka xuduuda.

Wuxuu sheegay in ciidamadaasi Liyuu boolis ay ku dacweeyeen madaxweynaha maamulka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamed, laakiin wali aysan wax jawaab ah ka helin maamulkaasi.

Ugaaska ayaa sheegay iney jawaab ka sugayaan madaxweynaha maamulka Soomaalida Ethiopia maadaama ay u sheegeen dhibaatada ka dhalatay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dhanka xuduuda.

“Waan la hadalnay madaxweynaha oo waan wacay, jawaab ayaa ka sugeynaa madaxweynaha, ileen dhibaato ayaa ka dhalatay dagaalada ka dhacaya dhanka xuduuda”ayuu yiri Ugaaska.

Dagaalada dhanka xuduuda ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyada ku dagaalamaya xuduuda ay wadaagaan Ethiopia iyo Soomaaliya gaar ahaan Galgaduud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com