XOG: Ciidamada Liyuu Boolis oo deegaano laga saaray iyo tirada dhimashada oo la ashaaciyay

Galgaduud (Caasimada Online) – Gudoomiyaha gobolka Galgaduud ee dowlada Soomaaaliya ayaa si kulul kaga hadlay dagaalada iyo dhibaatada ciidamada Liyuu boolis ay ka wadaan deegaanada dhanka xuduuda ee gobolka Galgaduud.

Xuseen Wehliye Cirfo, gudoomiyaha gobolka Galgaduud ee dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada deegaanka ay ku guuleystaan in ciidamada Liyuu boolis ay ka saaraan deegaano ay ku sugnaayeen.

Deegaanada qaarkood oo ay kaga sugan yihiin ciidamada deegaanka ayuu sheegay in dib looga saaray ciidamada Liyuu boolis, isagoo cadeeyay in iminka ay ku sugan yihiin dadkii deegaanka deganaan jiray.

“Liyuu boolis deegaanadii ay ku sugnaayeen qaarkood waa laga saaray, oo hadda dadka deegaanka ayaa gacanta ku haya”ayuu saxaafada u sheegay gudoomiyaha gobolka Galgaduud.

Wuxuu dhanka kale soo hadal qaaday qasaaraha ka dhashay weeraradii ugu dambeeyay ee ciidamada Liyuu booliska ay ka geysteen Galgaduud, isagoo ku sheegay in ku dhawaad 50 ruux ay dileen inka badanna dhaawacyo ay u geysteen.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com