TARSAN: WAA WADA DOCTOR IYO PROFESOR!

Muqdisho (Caasimada Online)-Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayaa ka hadlay fahanka Soomaalida ay ka fahansan tahay farqiga u dhexeeya isticmaalka Erayga ah Doctor iyo Professor.

Tarsan ayaa sheegay in uu aad ula yaaban yahay inta badan Soomaalida oo uu sheegay in ruux waliba uu magaciisa ka hor mariyo Doctor ama Professor.

Waxa uu sheegay in qofkii Mas’uuliyad loo dhiibo, looguna dhiibey magac qabiil dartiis ee uusan ku muteysan aqoon, karti, hufnaan, mudnaan iyo amaano in ay qofkaas ku keento kalsoonidaro sidaas darteed in uu ku qorto waraaqaha Dr. ama Professor.

Waxa uu Tarsan isticmaalka darajooyinkaasi ka keenay Su’aal ah Yaa qaadan kara teetalkaasi ? waxa uuna sheegay in shaqsiga qaadan kara uu yahay laba qof oon laheyn qof sedexaad.

Dr. waxaa qaadankara qof dhaqtar caafimaad ah, waxaa kale oo qaadankara qof qaatey Shahaadada Phd. Labadaas qof oo keliya ayaa qaadankara ayuu yiri darajada Dr.

Professor. Yaa qaadankara? waxaa qaadankara hal qof kaas oo laga rabo in uu buuxiyo laba shardi :
1- waa in uu Phd ku heystaa midkasta ha noqoto.

2- waa in uu maadadaas ka dhigo Jamacad, isla markaas waa in uu leeyahay qoraalo badan oo maadadaas ah wana in uu wax ku soo kordhiyaa maadadaas ay ku soo baxaa laguna soo qoraa jornaalka u gaarka ah Professorada ka dhiga maadadaas jamacadaha aduunka waana in uu muddo dheer oon kala go lahayn uu barey ka yahay Jamacad.

Dhanka kale, waxa uu tilmaamay in shaqsiyaadka qaabka qabiil ku imaada shaqooyinka Dowlada looga baahan yahay inaysan soo bandhigin ceybtooda oo ay garwaaqsadaan waxa uu salka ku hayo isticmaalka Darajooyinkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com