Beesha HABAR-GIDIR oo billowday diiwaan-gelinta dadkeeda iyo ujeedka

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Beesha Habar-gidir ayaa dhawaan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ka bilowday diiwaan-gelinta dadweynaha ku abtirsada beeshaasi, kuwaasi oo ku kala sugan gobolada dalka Soomaaliya.

Diiwaan-gelintan oo gashay toddobaadkii 2-aad, ayaa waxa la diiwaan-geliyay dad badan, halka ay shaqadaasi si maalinle ah uga socoto xafiis ka furan magaaladaasi, iyada oo dhawaan loo sii gudbin doono magaalooyinka dalka.

Howl-wadeenada xafiiska Gaalkacyo oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in fikirkan uu yahay mid lagu mideysan yahay, isla markaana ujeedkiisu uu yahay sidii xog ururin dhab ah loogu sameyn lahaa dadka beesha Habar-gidir.

“Fikirkaan waxa la waday in muddo ah oo sidii loo qaban lahaa tiro koob guud oo loo sameeyo umadaan Habar-gidir, intii aan la gudo galin barnaamijkan waxa la sameeyay wacyi-galin badan oo dadkuna hadda iyaga nala wada howsha,” ayuu yiri Baashe, oo kamid ah howl-wadeenada xafiiska diiwaan-gelinta Habar-gidir ee Mudug.

Sidoo kale waxa dhawaan xafiis kale oo shaqada diiwaan-gelinta u qabanaya Beesha Habar-gidir laga furay Cadaado, iyada oo uu horkacayo Guddoomiyaha golaha hogaaminta Habar-gidir, Prof Shirwac.

Tallaabadan oo dadweynaha beeshu ay si weyn usoo dhaweeyen, ayaa noqoneyso mid laga dhaxlo in la helo tirakoob dhab ah oo ku aadan dadka beesha, taasi oo haddii si kale loo dhigana qeyb weyn ka qaadan karta isku xirnaanta guud ee beeshaasi.