Dad rayid ah oo ku dhintay duqeymo cirka ah oo lala beegsaday dugsi qur’aan

Kabul (Caasimada Online) – Sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka, in ka badan 10 qofood oo rayid ah ayaa ku dhimatay duqeymo cirka ah oo lala beegsaday dugsi qur’aan ku yaala gobolka Takhar.

Wararka la helayo waxey sheegayaan in tuulada Hazara Qurluq ee ku taala gobolka Takhar ee waqooyiga Afganistaan ay ku dhinteen 11 caruur ah iyo macalinkooda, waxeyna kusoo aadeysaa xilli dowladda dalkaasi ay sheegtay iney deegaankaas ku dileen 12 dagaalyahan oo ka tiorsan Taliban.

Dagaalyahanada Taliban ayaa dilay ugu yaraan 30 ka mid ah ciidamada dowladda kadib weerar gaadmo ah oo ay ku qaadeen goibolka Takhar, wuxuuna weerarkaasi ahaa aargoosi.

Cabdul Awal waa imaam masjid ku yaala deegaankaas, isagoo dhaawac ah ayuu BBC-da u sheegay in halkaasi ay joogeen isaga iyo caruur oo kaliya wakhtiga ay duqeynta dhacday, waxaana sidoo kale la sheegayaa in 14 qofood kale ay ku dhaawacmeen duqeyntii dhacday arbacadii.

Afhayeen u hadlay maamulka magaalada ay dhibaatada ka dhacday oo lagu magacaabo Maxammad Jawaad Xejri ayaa warbaahinta u sheegay in weerarka lagu laayay caruur, halka dhaqaatiirta isbitaalada ay xaqiijiyeen iney dhaawacyada ugu badan yahiin caruur.

Wasaaradda Gaashaandhigga Afganistaan ma rumeysna in caruur lagu laayay weerarka, sidaas darteed waxey sameysay guddi baaris ku sameeya wixii dhacay, iyadoo saraakiisha dowladda ee howshaan ku lug leh ay gabi ahaanba beeniyeen iney caruur ku laayeen, iyagoo qiray iney dileen dagaalyahano ka tirsan Taliban.