28.9 C
Mogadishu
Monday, June 16, 2025

Beesha Habar-Gidir oo war cad kasoo saartay dagaalka gobolka Sh/Hoose

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Numbar50 (Caasimada Online) Beesha Habargidir ayaa iska fogeysay maanta dagaalka maalintii labaad ka socda gobolka Shabeelaha hoose gar ahaan deegaanka lambar 50, kaas oo la sheegay in beeshu ay qeyb ka tahay.

Imaam Cumar Imaam Abshir, wuxuu ka mid yahay  Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Habargidir,  wuxuuna been abuur ku tilmaamay a eedeymaha ka dhanka ah Beesha Habargidir.

Wuxuu shaaca ka qaaday in  aanay Beesha Habargidir wax shaqo ah ku laheyn dagaalka ka dhanka ah Nambar Konton ee gobolka Shabeelaha hoose wararka sheegaya inay qeyb ka yihiina ay yihiin kuwo aan loo meel dayin

“Waxaan cadeyneynaa in Beesha Habargidir aysan wax shaqo ah ku laheyn dagaalka Nambar Konton. Eedeymahaan waa midab katoor, waa cunsuriyad ka dhan ah Habargidir.” ayuu yiri Imaam Cumar Imaam Abshir.

Imaamka, ayaa isidoo kale  sheegay  in wixii khasaaro ah ee ka dhasha dagaaladaan, wax laga weydiin doono Dowladda Federalka ee Soomaaliya sida uu sheegay .

Wali kama aysan hadlin dagaalkan Beesha Biyo-Maal oo dhankooda la sheegay in ay qeyb ka yihiin , inkastoo Beesha Habargidir ay iska fogeysay.

Caasimada Online

Xafiiska Numbar50

Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News