Beesha Habargidir oo R/W Rooble ugu baaqday inuu ku dhaqaaqo arrin la hadal hayey

Muqdisho (Caasimada Online) – Suldaaan Mowliid Sheekh Jaamac oo ah Suldaanka beesha Saleebaan ee Habargidir ayaa digniin u diray dad uu sheegay inay beesha ka dhasheen, ee hadana ay iib geynaya, sida uu hadalka u dhigay.

Suldaanka oo hadalkaan ka jeediyey kulan ay Muqdisho ku yeesheen odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo saraakiisha saree e beesha Habargidir, kaas oo looga dhawaaqay shirweyne looga tashanayo aayaha Soomaaliya oo beelaha Hawiye ay isugu imaanayaan.

“Ka Suldaan ahaan waxaan u digayaa dad ka dhashay beesha Habargidir oo hadana aan ku dhaqmeyn kala dambeynta beesha, waxaan u sheegayaa Habargidir iib ma ahan, beeshu gole ayey leedahay, laakiin dadkaas qowleysatada ah qorsha ay wataan ka aqbali meyno,” ayuu yiri Suldaan Mowliid.

Dhanka kale Suldaanka ayaa fariin u diray Ra’siiul Wasaare Rooble, isagoo yiri, “Ra’siiul Wasaare khudbadaadii waa dhageysanay, in ilinu kaa timidna waan kuu jeednay, cabsi badana waa muujineysay, koley anigu waxaan ku jiray dadkii ku garaadsaday iyadoo Soomaalida kale ay leedahay Habargidir yaa naga dhiciya, marka Ra’siiul Wasaare madaxaaga kor u qaad,” ayuu yiri.

Sidoo kale Suldaan Mowliid ayaa Ra’siiul Wasaare Rooble u soo jeediyey inuu musharax madaxweyne noqdo, si dadka ay is hayaan uu isaga dhiciyo.

“Ra’siiul Wasaare hadaa rabto Soomaali inaad badbadiso xilka madaxweynaha ayaa iska cidlaahe isaga qabso, taladaas ayaan ku siineynaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Suldaanka beesha Saleebaan ee Habargidir.

Caasimada Online ayaa dhowaan shaacisay in Rooble ay cadaadis ku hayaan beeshiisa iyo Imaaraadka Carabta, si uu madaxweyne isugu sharxo. Halkan ka aqriso.

Ugu dambeyntii Suldaanka ayaa golaha hoggaaminta Habargidir u soo jeediyey inay cadeeyaan musharaxa ay wataan, “Habargidir waxaa la rabaa in musharaxeeda uu cadyahay, hadii golaha hoggaaminta uu yiraahdo musharaxa ay sanadkaan Habargidir wadato waa ‘hebel’ naf iyo maal ayaan isugu geyneynaa dhismihiisa,” ayuu yiri Suldaan Mowliid.

Hoos ka daawo