BEESHA iska leh kursiga HOP#086 ee Fahad oo soo saartay go’aan kale oo cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir ay iskugu yimaadeen Waxgaradka, Siyaasiyiinta iyo Odayaal Dhaqameedka qaar kamid ah Beesha Reer Aw Xasan ayaa waxaa laga soo saaray war-saxaafadeed lagu taageerayo tallaabada uu guddiga FEIT ku hakiyay kursigooda tirsigiisu yahay HOP#086.

Xubnahaan ayaa ku dooday in kursigaas si sharci darro ah lagu boobay, ayaga oo uga mahad-celiyay Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Guddiga FEIT inay hakiyaan kursigaas iyo in dib loogu noqdo doorashadiisa.

“Kursigaas in uu boob ku maqan yahay waa iska cadeyd oo wax qarsoodi ah maaha. Shan Xildhibaan ayaa u tartameysay waa in dib loo soo celiyo oo si xor iyo xalaal ah u tartamaan. Waxaa la yaab leh intan waa odayaashii iyo salaadiintii u waaweyna oo reer Aw Xasan in maalinkasta wax uun lasoo saaro waa dhibaato inteeda le’eg,” ayuu yiri Oday dhaqameed kamid ah beesha oo ka hadlay munaasibadaas.

Sidoo kale waxay sheegen in guddiga dhaqanka ay u gudbiyeen cabashada kursigaas guddiga doorashooyinka ee heer federaal, kaasi oo uu guddiga ku qaatay go’aankii ku noqoshada kursigaas.

“Dowladnimada kuma dhismeyso in qofka awooda badan uu isaga sameysto habraac u gaar ah oo uu xirto kursiga oo uu yiraahdo la ilama tartami karo, soona aruursado dad uu ku sheego ergo. Suurta-gal ma aha in awoodii dowlada ee dadka ka dhaxeysay loo isticmaalo dano gaar ah,” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka kasoo baxay guddiga dhaqanka beesha reer Aw Xasan.

Kulankaan ayaa imanaya labo maalin kadib markii xubno kamid ah beesha ay difaaceen Fahad Yaasiin, ayna sheegen in kursigaas ay doorteen ergada beesha leh oo garwadeen ka ahaa saxiixaha beesha ku metela dhaqanka oo asagu soo xulay ergadii dooratay.

Waxaa muuqata in beesha reer Aw Xasan ay ku kala jabeen doorashada kursiga Fahad, kaasi oo laga reebay liiska xildhibaanada la doortay, kadib markii uu guddiga FEIT sheegay in loo maray habraac aan sax aheyn.

Si kastaba, Fahad ayaa hadda ciirsi biday in uu dacwad u gudbiyo maxkamadda sare, maadama ay guul-dareysteen isku dayadii kale ee uu ku raby in loogu fasaxo kursigaas, isaga oo isku dayaya in maxkamadda sare ee dalka ay go’aan ka gaarto kursiga loo doortay ee HOP#086.