Daawo: Axmed Madoobe oo kashifay qorshe ay beesha caalamka usoo jeediyey oo la xiriira kuraasta Garbahaarey

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo xalay kulan afur iyo casho sharaf ah xarunta Madaxtooyada Kismaayo ugu sameeyay xildhibaanada dooran ee baarlamaanka federaalka ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ay ka mid tahay arrintan gobolka Gedo.

Axmed Madoobe oo marka hore la dardaarmay xildhibaanadaan laga soo doortay Kismaayo ayaa ka hadlay amni darrada Muqdisho, khilaafka doorashada, cabsi gelintii NISA ee madaxda federaalka, kuraasta aan weli doorashadooda lagu heshiin ee Garbahaarey iyo afarta kuraasi ee natiijadooda la diiday.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in 16-ka kurasi dhiman ee gobolka Gedo dhawaan lasoo dooran doono, isla markana matalaad la’aan aysan noqon karin dadka ree Jubaland ee gobolkaas ku nool.

Axmed Madoobe ayaa cadeeyey in aysan macquul ahayn doonista qaar kamid ah xubnaha beesha caalamka oo raba in Madaxweynaha Jubaland iyo Madaxweyne Farmaajo ay kala qeybsadaan xildhibaanada kasoo baxaya gobolka Gedo.

“Wadankaan doorashaa xal u ah, intaan ka badan jiitan laguma sii jiri karo, waxaa hadda calaacal badan ka jiraa kuraas natiijada doorashadooda la diiday, 16 kursi oo Jubaland ah ayaa weli maqan, waxaa halkaan jooga Maxamuud Sayid Aadan oo kuraasta gobolka Gedo gacantiisa ku soo qoray doorashadii Inbagaati, maanta hadii uusan isagu qeybin yaa qeybinaya?” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in hadii kuraasta la kala qeybsanayo ay dadkii ku matalayay gobolkaas siyaasada Jubaland ay joogaan, isla markana iyagu ay geed fadhi u yihiin xal ka gaarista arintaas.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Xildhibaanada Federaalka ah ee kasoo baxay Jubaland ay saaran tahay masuuliyad guud oo ah in dalka la samata bixiyo, iyadoo la kaashanayo xildhibaanada kale ee kasoo baxay qeybaha kale ee dalka.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa xusay in Jubaland ay dhibaato adag kala kulantay maamulka Farmaajo, loona baahan yahay in si wadajir ah xaaladan qalafsan dalka looga saaro, gaar ahaan amaan xumada iyo burburka uu dalku qarka u saaran yahay.

Wuxuu sheegay in magaalada Muqdisho ay hadda tahay meel aan la kala saari karin hey’adaha amniga dowlada iyo kooxda Al-Shabaab, isla markana ay si weyn iskugu milmeen, loona baahan yahay in xildhibaanadu ay ka taxadaraan amnigooda.

Sidoo kale dardaaranka Madaxweynaha waxaa ku jirtay in baarlamaanku yahay hey’adda hooyada u ah dhamaan hey’adaha kale ee dowladda, balse ay nasiib daro tahay in baarlamaanku uu shaqooyinkiisa u daba fadhiisto NISA, isla markana ay garan waayaan waajibaadka saaran, isagoo farta ku goday baarlamaankii waqtigu ka dhamaday ee 10-aad.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa carabka ku adkeeyey in si guud dadka Soomaaliyeed iyo Xildhibaanada cusuba ay saaran tahay masuuliyad weyn oo la xiriirta samata bixinta dalka.

Labada Madaxweyne ku xigeen ee Jubbaland iyo guddoonka baarlamaanka maamulkaas ayaa kulankaan ku sugnaa, sidoo kale waxaa soo xaadiray inta badan xildhibaanadii lagu doortay magaalada Kismaayo oo maalmahaan ku sugnaa magaaladaas.

Hoos ka daawo khudbadii Axmed Madoobe