Beesha leh mid ka mid ah afarta kursi ee dib loo celiyey oo go’aan soo saartay

Baydhaba (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay beesha Jaroon ee iska leh kursiga HOP#204, oo ka mid ah afarta kursi ee guddiga doorashooyinka federaalka uu go’aamiyey in doorashadooda dib loogu noqdo ayaa digniin loogu diray hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed.

Bayaankaan oo ay ku saxiixan yihiin Samadoonada beesha Jaroon oo Malaaq beesha Aadan Cabdi Cabdiraxmaan uu ugu horeeyo ayaa loogu mahad celiyey Ra’iisul Wasaaraha iyo guddiga doorashooyinka heer federal, iyagoo ku amaanay doorkii ay ku lahaayeen kursigooda uu ka badbaado ‘boob.’

“Waxaan uga digeynaa hoggaanka Koonfur Galbeed falalka gurican ee lagu doonayo in lagu xalaaleysto boobka kursigaan, taas oo laga dhaxli karo isku dhacyo iyo dib u dhacyo ku yimaada maamulka Koonfur Galbeed,” ayaa lagu yiri qoraalka beesha Jaroon.

Kursigaan ayaa laga hor istaagay inuu u tartamo wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur, waxaana bayaankaan lagu cadeeyey in wax habraac ah aan loo marin doorashadii murankaan dhalisay, isla markaana uu ku saxiixan yahay qof aan aheyn Malaaqa beesha.

“Waxaan cadeyneynaa in samadoonada iyo waxgaradka beesha Jaroon ay doonayaan in kursigaas uu galo tartan doorasho oo waafaqsan heshiisyadii iyo habraacyada doorashada, isla markaana beesha loo madax-baneeyo soo xulashada guddiyada, si ergada doorashada ay u soo qoraan,” ayaa lagu yiri bayaanka caawa ka soo baxay beesha iska leh kursiga HOP#204.

Guddiga doorashooyinka heer federal ayaa maanta go’aamiyey in dib loogu noqonayo doorashadii afar kursi oo 3 ka mid ah laga leeyahay Koonfur Galbeed iyo kursiga uu Fahad Yaasiin Beledweyne ka soo qaatay, guddiga ayaa sheegay inuu dib ka soo shaaci doono goobta iyo goorta la qabanayo doorashada fartaas kursi.

Hoos ka eeg bayaanka waxgaradka beesha Jaroon