Daawo: Mursal oo war culus kasoo saaray dhaarinta xildhibaanada cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo caawa shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay khilaafka soo kala dhex galay ra’iisul wasaare Rooble iyo maamulka Koonfur Galbeed, kaas oo salka ku haya doorashada baarlamaanka 11-aad.

Maxamed Mursal ayaa ku dooday in markii la gaaro 14-ka bishaan hadii aan xal loo helin khilaafkaas aysan suurta gal aheyn in la dhaariyo baarlamaanka, maadaama aysan joogin xubnihii laga soo doortay deegaanada maamulkaas.

Sidoo kale Mursal ayaa Rooble ku dhaliilay sababta uu Koonfur Galbeed uga qanci waayey tabashadeeda, “Ra’iisul wasaraha waxaa waajib ku aheed inuu u dhaqaaqo sidii uu u qanci lahaa Koonfur Galbeed,” ayuu yiri.

Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in hadii baarlamaanka ay ka maqan tahay metelaada hal dowlad goboleed uusan aheyn baarlamaan, maadaama uu dalku yahay federaal, “sidaas darteed waa ku waajib Rooble inuu qanciyo maamulkaas,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Sidoo kale Maxamed Mursal wuxuu u soo jeediyey dowlad goboleedyada kale inay xalliyaan khilaafka soo kala dhex-galay Ra’iisul wasaare Rooble iyo Koonfur Galbeed.

“Madasha wadatashiga qaran waa inay masuuliyad iska saarto arintaan khilaafka dhalisay ee Koonfur Galbeed iyo Ra’iisul wasaaraha oo ku saabsan doorashada, waa in tabashada maamulkaas la xaliyo, sidii ay u xali jirtay khilaafaadyadii hore, Cabdicasiis Laftagareen waa saaxiibkii aad taqaaneen,” ayuu yiri Mursal.

Dhanka kale wuxuu soo hadal qaaday xubnihii uu R/Wasaare Rooble ka saaray guddiyada doorashada, “Maadaama guddiyadaan lagu magacaabay wada ogol oo qof kaliya uusan soo magacaabin, in qof kaliya oo xilalkii ka qaado waa mid ka hor imaaneysa madax-banaanida guddiga, marka meeshaan wax saxan ma jiraan, laakiin hadda waxaa loo baahan yahay in la wada fariisto oo la dhameystiro inta hartay,” ayuu yiri guddoomiyihii baarlamaankii 10-aad.

Hoos ka daawo