25.6 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Beesha Muddulood oo Farmaajo hordhigay go’aankeeda R/Wasaaraha

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan wadatashi ah oo ku saabsan magacaabida ra’iisul wasaaraha dalka ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho.

Kulankaasi ayaa waxaa diirada lagu saaray qorshaha beesha Muddulood ay ku dooneyso inay ku hesho xilka ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya.

Kulan gaar ahaa oo u dhaxeeyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo waxgaradka beesha Muddulood ayaa looga hadlay xilka ra’iisul wasaaraha dalka.

Kulankaasi oo saacado qaatay ayaa waxaa la isku soo hadal qaaday xilkaasi iyo sida beesha u dooneyso inay iyaga helaan xilka wasiirka koowaad ee xukuumada.

Waxaana ugu dambeyn ay sheegeen xubnaha beesha Muddulood ee shirkaasi ka qeyb galay in xilkaasi ay iyaga doonayaan hadii kalana aysan la shaqeyn doonin dowladda cusub.

Xilkaasi waxaa Doonaya beelaha kala duwan ee Hawiye, sida Habar gedir, Xawaadle, Murusade iyo Sheekhaal, waxaana la ogeyn go’aanka Farmaajo uu ka qaadan doono culeeskaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News