Jabuuti oo war kasoo saartay saldhiga Imaaraatka ee Berbera

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa markii ugu horeysay ka hadashay saldhiga meletari ee Imaaraatka uu doonayo inuu ka hirgeliyo magaalada Berbera.

Lataliyaha dhanka dhaqaalaha ee madaxweynaha Jabuuti ayaa ugu horeyn ka hadlay faa’idada dowladda Jabuuti ugu jirto ilaa 7 dal oo saldhigyo ka sameystay magaalada Jabuuti.

Wuxuu sheegay in faa’iddooyin wanaagsan ay ku qabaan saldhigyada laga hergeliyay deegaanada dalka Jabuuti.

Dr Ismaaciil Waceys, lataliyaha madaxweynaha ee dhanka dhaqaalaha ayaa sheegay in dowlad marka ay saldhig ciidan sameysaneyso ay u baahan tahay dowladd adag oo kula xisaabtanta saldhiga.

Sidoo kale wuxuu sheegay in saldhiga Berbera uu lahaan doono faa’idadiisa iyo qasaarihiisa, balse loo baahan yahay in isla xisaabtan dhab ah la sameeyo.

Jabuuti waxaa ku yaala saldhigyo ciidan oo ay leeyihiin ilaa 7 dal oo kamid ah dalalka ugu awooda badan dunida xaga ciidanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com