Farmaajo oo wada qorshe cusub oo aan looga baran madaxdii ka horeysay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in dhawaan uu bilaabi doono booqashada Xarumaha Ciidamada Qaranka iyo dhufeysyada ay ku sugan yihiin Ciidamada usoo jeeda difaaca Qaranka.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in Qorshahaani uu ka damacsan yahay dhageysiga baahiyaha ay tabanayaan Ciidamada, taa oo qeyb ka ah qorshihiisa kobcinta awoodaha Ciidamada ay uga hortayaan Maleeshiyaadka qalqal galiyay Amniga.

Madaxweynaha ayaa dhageysan doona dhibaatooyinka ay ka cabanayaan Ciidamada si Dowladiisa ay macluumaad buuxa uga hesho halka laga cuuryaamiyay difaaca Qaranka.

Madaxweyhuhu waxa uu dhowr jeer sheegay in dowladdiisu ay xoogga saari doonto dhismaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya si looga maarmo ku tiirsanaanta ciidamada shisheeye.

Wuxuu sheegay inuu waxbadan ka ogaandoono nolosha Ciidamada isagoo tilmaamay inuu waxbadan ka qaban doono dhibaatada cuuryaamisay awoodii laga filaayay Ciidamada Qaranka.

Madaxweynayaashii hore ee dalka kasoo arrimiyay ayaan looga baran inay booqdaan Xarumaha Ciidamada Dowlada iyo Difaacyada ay ku sugan yihiin Ciidamada, waxaana xusid mudan in Madaxweynuhu uu booqashooyinka ceynkaani ah sameeyay xiligii uu ahaa Ra’isul wasaaraha.

Si kastaba ha ahaatee, tani waxa ay qeyb ka noqoneysaa ballanqaadka uu Madaxweynaha ku sheegay inuu la socon doono xaalada dhabta ah ee heysata Ciidamada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho 
Caasimada@live.com