Farmaajo oo 3 maalin kadib ogaanaya dhagarta iyo wanaaga 3 dal oo halis ku ah Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Somalia ee magaalada Muqdisho waxaa ka soconaaya qabanqaabada munaasabada Caleemasaarka Madaxweynaha la doortay Maxamed C/llahi Farmaajo.

Caleemasaarka ayaa waxaa ka qeybqaadan doona qaar kamid ah Madaxweynayaasha Africa ama wakiilo iyaga matalaaya kuwaa oo ay kamid yihiin Kenya, Ugandha Djibouti iyo Ethiopia.

Mas’uuliyiintaani ka qeybqaadan doonta Caleemasaarka ayaa lagu wadaa in saacadaha ay ku sugnaan doonaan Somalia ay kulamo gaar gaara la qaatan Madaxweynaha Somalia Farmaajo.

Madaxweynaha la doortay Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa kulamadaasi uga faa’iideysan doona wax ka ogaanshiyaha qorshooyinka Dowladahaasi ay la damacsan yihiin Somalia, waxaana la filayaa in mid waliba uu ka hadli doono waxa Dowladiisa khuseeya.

Dowladaha uu Madaxweynaha isha ku hayo ayaa waxaa kamid ah Ethiopia iyo Kenya oo loolan ugu jira gumeysiga Somalia iyagoo arrintaasi dhaqan galiyay tan iyo markii ay ciidamadooda soo galeen Somalia.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu caleemasaarkiisa ku kala baran doona sida ay u kala dhagar badan yihiin Madaxweynayaasha iyo Wakiilada ka qeybgali doona Caleemasaarkiisa.

Mudada gaaban ee uu socon doono Caleemasaarka ayaa waxaa Madaxweynaha looga fadhiyaa inuu ku qaato go’aan la xiriira Dowladaha xiriirka fiican ay la yeelan doonto Dowladiisa cusub,waxaana muuqaneysa in Kenya, Ethiopia iyo Ugandha hardan ugu jiraan sida ay Farmaajo uga tirtiri lahaayen mowqifkiisa.

Waxyaabaha lagu doortay Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa waxaa kamid ahaa difaaca Diinta, dalka iyo dadka, waxaana iminka looga fadhiyaa inuu ka dhabeeyo Axdiga uu qaaday.

Lama oga in Farmaajo uu kasoo dabci doono Mowqifkiisa iyo inkale waxa ayse arrintaani soo ifbixi doontaa hadba waxa ay Madaxdaasi ka dhaadhiciyaan Farmaajo inta ay socto munaasabada, iyadoo muddo kooban lagu kala baran doono Dowlada u daacad ah Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska  Muqdisho
Caasimada@live.com