Qarax lagu hoobtay oo maanta ruxay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka inaga soo gaaraya Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Qarax khasaare geystay.

Qaraxa ayaa ka dhacay nawaaxiga Goobo Ganacsi oo aad Mushquul badan, iyadoona khasaaraha ugu badan uu soo gaaray dad shacab ah oo halkaasi ku sugnaa.

Qaraxa ayaa loo adeegsaday gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay kaa oo ka dhacay Maqaaxi ku taalla Isgoyska kaawo Godey ee Degmada Wadajir.

Qaraxa ayaa waxaa la xaqiijiyay in ku dhawaad 10 qof ay ku dhimatay tiro kalana uu Qaraxa kasoo gaaray dhaawac farabadan.

Ciidanka ammaanka ayaa waxa ay xireen goobta uu Qaraxa ka dhacay, iyagoo dadka ku amraya in ay goobta ka fogaadaan, maadaama la diiyo in la daawado Meydadka.

Ma cadda Bartilmaameedka Qaraxaasi khasaaraha xoogan geystay ee maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com