Beesha Sacad oo go’aano xasaasi ah kasoo saartay shir ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Sacad ee Habar-gidir ayaa go’aano kasoo saartay shir ay Muqdisho ku yeelatay shalay, kaasi oo ku saabsanaa xaaladda maamulka Galmuudg.

Kulankan oo ay yeesheen waxgaradka beesha Sacad ee gobolka Banaadir, ayaa wadatashi dheer ka dib, waxey soo jeediyeen in la ilaaliyo dastuurka Qaranka iyo kan dawlad goboleedka Galmudug, dhanka kalena in la dhorwo nidaamka federaalaynta dalka iyo u madaxbanaynta dawlad goboleedka iyo dadkeeda hanaanka dib-u-heshiisiinta iyo doorashooyinka.

Qoraalka beesha Sacad ayaa lagu sheegay in beesha “aysan aqbali doonin heshiis kasta oo ka soo horjeeda heshiiskii awood qaybsiga siyaasadeed ee beelaha Galmudug ay ku gaareen magaalada Cadaado sannadkii 2015-tii.”

Beesha Sacad ayaa sidoo kale sheegtay in 10 July 2019 in la isugu yimaado shirweynaha AAYA-KA-TALINTA beesha oo ay qeybaha kale duwan ee isugu jira dhaqanka, siyaasiyiinta, xildhibaanada heer qaran iyo heer dawlad goboleed, haweenka iyo dhallinyarada ka soo qeybgalayaan kaasoo ka dhacaya magaalada Gaalkacyo.

Qoraalka Beesha Sacad ayaa waxay uga digtay “in talada dhismaha dowlad goboleedka Galmudug aysan cid gaar ahi isku kali yeelin go’aan ka gaarista aaya ka talinta Galmudug”

Waxaa ugu dambeyn ay beesha ugu baaqday beelaha Galmudug in ay iskaashi, dibu heshiisiin iyo midnimo uga gudbaan marxaladdan adag ee dowlad gaboleedka Galmudug uu marayo si loo helo Galmudug ka mideysan xaga siyaasada, maamulka iyo amniga.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com