Beesha Sade oo ku baaqday shir ka horeeya shirka dhismaha Jubbaland

Beesha Sade ayaa waxa ay ku baaqday in dhammaan xubnaha beeshaasi ay isugu yimaadaan shirweyne wada tashi oo ka dhici doona gobolka Gedo.

Shirkaasi ayaa ujeedkiisu yahay in beesha isku aragto islamarkaana ku tashato ka hor inta aan la qaban shirka guud ee lagu dhisayo maamulka Jubbaland,  oo isna dhowaan ka dhici doona magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Haddaba waxaan idiin soo lifaaqnay baaqa shirka oo beesha ay ina soo gaar siisay, kaasi oo uu ku saxiixan yahay Suldaanka Beesha ee gobolka Jubbada Hoose Suldaan Maxamed Bashiir Yaraow.

Picture 003