Beesha Sade oo caddeysay mowqifka ay ka qabto mooshinka Xasan Sheekh

Cabud-waaq (Caasimada Online) – Ayada oo maalmo ka hor  koox xildhibaano ah oo garaya 100 ay keeneen mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Somalia Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa waxaa soo baxaya  dareemo kala duwan oo laga muujiyay  mooshinkaasi.

Beesha Sade oo ka mid ah Beelaha  ugu sameynta badan Somalia aya mooshinkaasi shaki badan ka muujisay waxaayna ku sheegtay mid  lagu doonayo in lagu burburiyo hay’adaha  kooban ee maanta qaranka Somalia u dhisan.

Suldan Axmed  Garbacune  oo ka mid ah Suladiinta Beesha Sade oo asago ku sugan  magaalada Cabudwaaq warbaahinta la hadlayay, ayaa waxaa uu sheegay in mooshinka laga keenay Xasan Sheikh Maxamuud u yahay mid  lagu burburinayo  qaranka Somalia, islamarkaana beesha Sade ay ka siman tahay inaysan marnaba taageerin.

Suldanka  ayaa waxaa uu intaasi ku daray in Xildhibaanada 100 ka ah ee Maqaayada Saxafi hotel Qadada laga siiyay ay iskugu jiran 3 qaybood

1 – Suldanka waxaa uu sheegay in Qaybta kowaad ay tahay xildoon  waxana ay rabaan ayu yiri in ay jagada kala wareegan Madaxweyne Xasan Sheikh ama Dowlada saami loga ogolado.

2 – Qaybta labaad ayuu suldaanka ku sheegay in ay yihiin  qayb rabta in loo fuliyo dano siyaasadeed oo ay wataan sida in lo aqoonsado maamul goboleed iyo  arimo  kale oo badan.

3 – Suldaanka ayaa qaybta sadexaad ku sheegay kuwa ugu liita waxaana uu sheegay in kuwaasi waxa socda aysan ka warqabin ee ay hoolka qado u soo raadsadeen iyo shilimaad  jeebka logu  shubo.

Ugu danbeyn Suldaanka ayaa waxaa uu  ugu baqay in shacabka Somaliyeed in ay meel uga soo wada jeestaan  wax alaale iyo wixii wax u dhimi kara  hay,adaha qaranka ee hada dhisan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com